Orodyahan Mo Farah oo guuldaro weyn kala kulmay tartankiisii u horeeyay ee ordka Marathon-ka
London April 14,2014(SDN/QJ)-Oradyahanka Soomaaliyeed ee ku tartama dhalashada dalka Britain Mo Farah ayaa guuldaro laxaad leh kala kulmay tartankiisii u horeeyay ee uu uga qeybgalo orodka dheer ee Marathonka London.
Oradkan oo aan aheyn mid hore looga baran ka qeybgelkiisa ayaa dhererkiisu yahay 26.2 mile waxaanu ku guuldareystay in uu kaalinta kowaad ka galo.
Mo Farah oo bilihii u danbeeyay ku hawlanaa tababr dheer oo uu ku qaatay Kenya si uu tartanka guul uga soo hooyo.
Orodka ayaa waxa ku guuleystay orodyahanka reer Kenya ee Wilson Kipsang oo ku orday 2 sacadood 4 daqiiqo iyo 27 ilbiriqsi.
Halka Mo Farah uu ka galay kaalinta sideedaad kiyoo ku orday 2 sacadood 8 daqiiqadood iyo 21 ilbiriqsi.
Orodyahan Mo Farah ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay natiijadan sheeegayna in uu marar kale isku deyi doono in uu tartanka isku dayo in uu ku guuleysto.
SDN-London