Ooto Biixi Caalin oo Ciidamadda Boolisku Xalay Mar kale Xabsiga u taxaabeen
Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)- Ciidamada Booliska, ayaa xalay xabsiga u taxaabay Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ka mid ah siyaasiyiinta dhaliila hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in Ooto Biixi ay ciidamada amaanku ka qabteen isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, lama oga ilaa hadda cida amartay xadhigiisa, waxaanu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Ooto Biixi Caalin ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaliilo u jeediynayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ku eedayn jiray inay ku guuldaraysteen kasbashada kalsoonida shacbiga Somaliland.