|

OLOLIHII IS MUUJINTA EE WASIIR KHAARAJIGA SOMALILAND: Is-burburin mise Is Muujin?(DAAWO)

(Akhristayaal waxan idinla wadaagayaa qoraalkan falanqaynta ah oo Wargayska Geeska Africa ilaa Sabtidii, 17 January ku soo baxaayay isagoo qaybo ah)

Somaliland waa anbad. Ambad qudha maaha ee, waa ambad aan is ogayn! Inay Somaliland ambad tahay astaamo tilmaamaaya ayaa jira, kuwaasna waxa koow ka ah Wasiir Maxamed C/laahi Cumar (Digtoorka) iyo sidda uu taladii umadda ula ambaday, ee walina loogu eegaayo isagoo hadba gidaar kala soo go’aaya. Qaladaadka Digtoorka kuwii ugu dambeeyay baan faaqidayaa, hortiinana soo tubayaa ee idina marag iiga noqda.

“Hadda ayuu sii go’ay.” Ayaa laga hayaa niman uu bari mayd ay tunka ku wadeen ka siibtay oo dhulka uga dhacay! Reer-miyigeenna geela raacdaa na waxay ku maahmaahan, “Geelloow soco, oo soco, maalinta aad ciin daaqdid uun baa se laguu yaabaa.” In yar ila soco waan hubaa inaad iiga garaabi soo qaadashadda murtidane.

Digtoorkii Somaliland ee amuuraha Debedu, sidii caadada u ahayd, wuxu dhawr maalmood hortood ka soo laabtay mid ka mid ah safaraddiisa tiradda badan, ee hadana tayadda iyo tamarta daran oo markan ilaa UK uu ku gaadhay.

Hadadan aan qoraalkan samaynaayay waxa I soo gaadhay inuu Dubai (UAE) u baqoolay isagoo sheegtay inuu hawl-qaran u baxay oo Marsadda Berberra sidii loo balaadhin lahaa wadankaas kala soo hadlaayo. Intaas oo dhab ah baan jeclaan lahaa! Waxad ba mararka qaarkood is odhanaysaa malaha ninkani ba ‘saar’ diyaarad raacis ah baa haya oo, si uu isaga cuudiyo uu siyaasadda ba u soo galay! Hadaanay sidaas ahayn, maxaynu kol uun wax la garto uga maqli waynay.

Intii uu xilka hayay kun iyo koow jeer buu baxay, oo hadana soo noqday sidii jiir mus galay, wax ka badan “Meeqaam sare ayaa la igu qaabilay…” iyo “Casho/qado sharaf baan hebel ama heblaayo la qaatay…” iyo “Sumcadeenu kor bay u kacday…” miyaa  laga maqlay? Ma sidaas baa qaran lagu dhaqaa? Hadii muggaaguba noqdo maalin lagu casuumo, muraad umadeed na tunkaaga saaranyahay saw nasiib darro ma aha? Waatan manta taagan, sida uu wiilkaasi tallo umad dhan ula ambaday baanan idiin dildilaacin ee ila wadaaga.

“Mayd midkee u dambeeyay, iyo kan la sii sido baa la odhan jiray ee aan nasiib daradda halkii ugu dambaysay raadkeeda ka bilaabo. Digtoorku intii uu usbuucii tagay UK booqashadda ku joogay, wuxu aad uga hadlay TV yada Soomaalidu daawato, gaar ahaan Somali Channel TV, Horn Cable TV iyo Somaliland TV oo usbuucii koowaad ee bishan January, 2013 aad looga fiirsaday. Awal wuxu ku roonaa ceebtiisa ayuu ogaa, waxaanu si wayn uga digtoonaan jiray inuu warbaahinta hor yimaado. Si ay ka noqotayba, maanta ceebtiisii buu ilaaway, waanu is aasay. Wuu hadlay, oo hadlay, kalmad kasta oo uu sheegayna shakhsiyadiisa ayay si foolxun u qaawinaysay, isla markaana, waxay kashifaysay sida uu sabool uga yahay aqoonta ku saabsan shaqadda uu sheeganaayo inuu hayo. Qof kasta oo barnaamijyadaas daawaday, ama daawan doonaa (Dhamaadka qoraalkan ka gal youtube videos ka), oo maan fayaw ku dhugta waxa uu ninkaasi ku hadlaayo, waxan hubaa inuu si buuxda u dareemi doono waxa aan tilmaamaayo. Awalba wuu iska aamusnaa ee bal maxaa ka hadliyay? Bixiso uun iga dheh.

Bal ila dhadhami qaladaadka meeshan is dul tuulan, ee xataa wiil adhi-jir ahi aanu gali Karin, ee ninkani (Digtoorku) uu dhex dabaalanaayo isagoo waliba sidaas PH.D culuumta siyaasadda ah ku sheeganaaya. Sida aad qoraalkan kaga bogan doontid, meelaha qaarkood ‘Digtoorku’ isaga ayaaba is burinaaya oo waan tilmaami uun, meelaha qaarkoodna, xaqiiqada ayuu si badheedh ah isaga baal marayaa, taasna waan tilmaami, qaybta sadexaadna, waxay muujinaysaa aqoon darro ka haysata waxyaabaha uu ka hadlaayo, iyadana waan tilmaami.

Al-muhim, waxan soo ban dhigi dood qayaxan, oo ay tahay inuu wax ka yidhaaho, hadii kalena, uu xilka iska casilo. Dabcan waa hadii ay inyar oo damiir ahi ku laabantahay. Kolkaan sidaas leeyahay, waan ka dheregsanahay in xiliyo kala duwan, dad kala duwan, oo qaarkood ayba Digtoorka la shaqeeyeen ay qaladaadkiisa oo faahfaahsan, oo qaranka iyo xukuumadda maanta jirtaba dhabar-jab ku ah uga hadleen, laakiin aanay cidinna ka hoos qaadin. Xukuumadda Madaxwayne Silaanyo ceebaheeda waxa ka mid ah inaanay dhaliilaha korkeeda ku yaala daawayn iyo deedifayn midnaba kula dhaqaaqin ee ay sabab la’aan isaga dugsato. Hadaad aragtid ama maqashid nidaam iska huursanaaya wixii in la hufo u baahan, nidaamkaas, iyo umadda uu matalaayoba, mustaqbal wacani kama horeeyo

Sidee waraysiyadu ku yimaadeen:

Sidii dhaqanka u ahayd, ‘Digtoor’ Maxamed usbuucii koobaad ee bishan January 2013 ayuunbaa laga war helay inuu London joogo. Isla bisha saddexdeedii, waxa shir laba geesood ah Xafiiska Arimaha Debedda ee Ingiriiska ku lahaa Wasiirada Debedda ee UK iyo Soomaaliya (William Hague iyo Foosiya Yuusuf), wariyayaashii maalintaas u tagay inay masuuliyiintaas waraystaan ayaana ‘Digtoorka’ si lama filaan ah ugu arkay isagoo jooga Xafiiskii Amuuraha Debedda ee Wasiiradu ay shirka ku lahaayeen. Siday ii sheegeen isla maalintaas wariyayaashii soo arkay, Digtoorku wuu ka fakaday oo hadal lamay gaadhin isaga. Kolkii uu ogaaday in la arkay, kadib ayaanu bilaabay inuu TV yada fadhigoodu London yahay badankooda la xidhiidho, si uu warkiisa u galiyo, sidaas baanay waraysiyadu ku yimaadeen.

Sidee hadaba wax u dhaceen ? Bal ila dhugo:

Akhriste, warkii tiradda badnaa ee Digtoorka Somaliland ee Arimaha Debeddu sii daayay idiin wada gali maayo, oo wad ku daalaysaan, laakiin meelaha ma-dhaafaanka ah ee qaladaadka taariikhiga ahi ku jiraan baan taaban. Bilawgiiba, wuxu ololihiisa is muujinta ah ka bilaabay TV ga Somali Channel la yidhaaho, waxaana waraystay Xassan-cadde. Muxuu Xassan waydiiyay, maxaa se ugu darnaa? Bilawgiiba, wariyuhu wuxu su’aalay sababta safarkiisa UK keentay. Wasiirku wuxu taas ku sheegay inay ahayd booqasho isaga gaar u ah, carabka ayaanu ku adkeeyay. Isla kolkiiba laakiin wuu ka daba tagay warkaas hore, waxanu sheegay inay booqashadii gaarka ahayd shaqo isu rogtay, oo durbadiiba ay xidhiidho u bilaabmeen isaga iyo Wasaaradda Khaarajiga ee Ingiriiska, uuna la kulmay Mark Simmonds oo ah qofka Wasaaraddaas u qaabilsan arimaha Africa. Bal u fiirso, booqashadii gaarka ahayd, iyo kulamada noocaas oo kale ah! Sida ku tala gal la’aan loola kulmo madaxdda Wasaaradda Khaarajiga iyo Wasaaradaha kaleba way adagtahay. Warkaas Digtorkana micnaha ku jiraa wuxu yahay, inaanay booqashadiisa UK ahayn mid gaar ah sida uu sheegay, wixii kulamo ah ee uu yeeshayna kuwo horey loo sii qorsheeyay ay ahaayeen. Dawladda Ingiriisku hadii ayna ogaynba inuu wadanka joogo wax xidhiidh ah lama samayn karto, qof masuul ah, oo kulamadda uu galaayo labadii biloodba mar la sii diyaariyo na ‘Digtoor’ Maxamed oo iska soo galay iskama heli karo. Halkaas runtii way maqantahay ee ii qabo.

Ka gudub. Somali Channel waxay su’aashay: wax xidhiidho ah inay la yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay. Digtoor Maxamed taas wuu deedifeeyay, waxaanu sheegay inaanu wax xidhiidh ahi kolnaba dhex marin; marka laga reebo tahniyadii ay doorashadiisii September 2012 u direen kadib. Hawraarsan! Warysigii baa sii socday, Wariye Xassan baa hadana si kale ugu dhigay, waxaanu Wasiirka waydiiyay inay Madaxwayne Xassan kula kulmeen shirkii Djibouti ee Af-Soomaaliga ee dhawaan qabsoomay iyo in kale. Wasiirkeenu wuxu sheegay inay labada madaxwayne kulmeen, is barteen, arimaha amniga ee mandiqadda ka wada hadleen, iyo waliba, sidii loo amba qaadi lahaa wada hadalkii labada dhinac. Wuxu intaas ku daray, inay labada madaxwayne intaas uun ka hadleen ee aanay siyaasad kale galin! Waa yaabe hadaanay intaasi siyaasad ahayn, maxaa siyaasad ah? Taloow muxuu siyaasadda u yaqaanaa? Waxa taasba ka daran, hadalkiisii dhawr daqiiqo ka hor, ee ahaa wax xidhiidh ahi nama dhex marin buu dib u masaxay!

Warysiga oo sii socday, waxa la su’aalay xidhiidhka Turkiga ay la leeyihiin, iyo guud ahaanba, halka ay marayso arintii ‘ictiraafka’ ee Somaliland. Wasiirku kolkuu arimahaas ka hadlaayay, wuxu si xishood la’aan ah u sheegay been qayaxan! Digtoorku wuxu yidhi, Xidhiidkha Turkigu meel wacan buu marayaa, intii aanu tagnay shirkii Soomaalida ee bishii May 2012 na aad buu xidhiidhkayagu u wacanyahay. Arinta ‘ictiraafka’ wuxu ka yidhi, “Waxan idiinku bushaaraynayaa inay haatan wadamo badan oo Africa ah, gaar ahaan wadamada Barriga Afrika diyaar u yihiin inay arintaas inagala shaqeeyaan, meel wacana ay arintu marayso! Cajiib: “ilayn af aan kugu oolin ma qabatid!” Baa nin laga sheegay.  Midda ku saabsan shirka Turkiga, anigu waxan qoraal ku hayaa xogtii ay bixiyeen Wasiiradii isaga la socday, qaarkoodna waanba la kulmay. Shirkaasi waxaan fadeexad iyo foolxumo ahayni kama dhicin, laakiin isaga (Digtoorka) qurux bay la tahay. Wasiiradii la socday waxay sheegeen, inaanay xataa haynin hab-socodka shirka iyo qorshihiisu wuxu yahay toona. Waxay sheegeen inay moodayeen inuu isagu (Digtoorku) xog hayo oo wax ogyahay, laakiin markii ay Turki gaadheen ay xaqiiqadu u cadaatay. Awal hore wuxu odhan jiray, “Si meeqaam saraysa ayaa naloo qaabilay, meel gooni ah oo Soomaalida ka soocanna waa nala fadhiisiyay…” Laakiin shirka Turkiga ee uu sheegaayo xataa intaasi ma dhicin! Shirka Turkiga ceebta ugu wayn ee ka qabsatay waxay ahayd inuu isagu macno la’aan ku diiday ka qayb galkiisa, hadana, iyadoo shirkaba laba maalmood ka hadhay, uu macno la’aan ku ogolaaday, macno la’aan na ku tagay.

Arinta ku saabsan ‘ictiraafka’ uu sheegaayo na, waxa uu ka sheegay oo dhami waa hal bacaad lagu lisay! Wadamada Afrikaan ka ah ee diyaarka u ah inay ‘ictiraafka’ Somaliland ka hawl galaan waa kuwee?  Hawsha ay arintaas u galayaan waa mid noocee ah? Yaa hawsha u dirtay? Wadamada Afrikadda Barri ee uu sheegayaa miyaanay Djibouti, Ethiopia, Eretria, Sudan, Uganda iyo Kenya ahayn? Ma kuwaas qaar aan ahayn ayuu sheegayaa? Ictiraafka uu leeyahay way ka hawl galayaan, waligiisba miyuu waydiistay? Miyuu qorshe ictiraaf keeni karaba leeyahay? Jawaabtu waa maya. Hadii aanay ahayn, bal isagu ha sheego. Waxan is waydiiyaa – ma isagaa waalan, ma dadka dirtay ee wax ka sugaaya ayaa waalan, mise wuxuba way isla waalanyihiin? Bal adba!

Isla maalintii warysiga Somali Channel la daawaday, maantii xigtay ayuu hadana soo fadhiistay Horn Cable TV, hadana, TV ga Somaliland buu soo fadhiistay. Wax isku mid ah buu dareeriyay, waxaanu gole keenay dood aan lugoba ku taagnayn oo iskeed isaga kufaysa, waanay kuftayba. Intiinii daawatay wayba aragtay, inta kalena way arki doontaa, (Kuma darin dadka badan ee muuqiisa iyo magaciisaba ka niyad jabay), aan soo qaadano dhawr qodob oo halistooda leh. Wariyaha HCTV (C/xaafid) wuxu wax ka su’aalay Xafiiska Qusuliyadda ah ee Ingiriisku uu dhawaan Hargeysa ka furtay oo uu Digtoorku ku faanay. Wariyuhu wuxu ku yidhi, Wasiir Xafiiskaasi miyaanu hoos imanaynin Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho la gayn doono? Digtoorku taas wuxu kaga jawaabay “Maya”, Xafiiska Hargeysa, iyo xafiiska Muqdisho isma hoos tagayaan. Midkood (waa ka muqdishee) waxa laga maamulayaa Nairobi, kan Hargeysana, waxa laga maamulayaa Addis Ababa. Sidaas buu ku dooday, laakiin qalad wayn baa meeshaas ku jira ee bal u fiirso.

Marka hore, Ingiriisku Muqdisho xafiiska ay ku yeelan doonaan Nairobi lagama maamulaayo ee waa safaarad buuxda oo la mid ah midda Nairobi. Waxaay sugayaan inta dhismaha safaaradda ee Muqdisho oo William Hague uu kal hore soo dhagax-dhigay uu dhamaanaayo, ee amniguna sii hagaagaayo oo kaliya. Safiirka loo magacaabay (Ambassador Matt Baugh) ee haatan Nairobi sugaha ku ahina halkaas buu u wareegayaa. Midda labaad, hadii Safaaraddooda Muqdisho hawl gasho, xafiiskooda Hargeysa lagama maamuli doono dhankaas iyo Addis Ababa sida uu Digtoorkeenu ku dooday ee waxa laga maamulayaa Muqdisho. 13kii April ee 2012, oo aan ka qayb galay shir ka dhacay Xafiiska Khaarajiga (FCO) ee UK, waxan aniga qudhaydu si khaas ah u soo qaaday arinta xafiiskaas Ingiriis ee Hargeysa oo xiligaas la hadal hayay uun, awoodiisu intay leekaan doonto, iyo halka laga maamuli doonoba. Si cadaan ah wuxu u sheegay masuulkii Khaarajiyadda Ingiriiska matalaayay ee shirkaas nagala qayb galay, in Xafiiska Hargeysa uu yahay Qusuliyad, lagana maamuli doono Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho. Wuxu si cad u deedifeeyay suurtagalnimada Xafiiska Hargeysa ee UK in laga maamuli doono dhinacaas iyo Addis Ababa oo masuul Somaliland ahi maalintaasba uu soo qaaday. Waa laba mid uun, in Wasiirku uu arintaas ogyahay, ee uu doortay inuu ka been-sheego waxa socda, iyo inaanu ogaynba, oo taasina ay kaba sii darantahay. Labadaas ha kala doorto.

Geesta kale, mar la su’aalay arinta ‘aqoonsiga’ wuxu yidhi: “Aqoonsigu laba sababood buu ku yimaadaa, midi waa inay ururadda caalamiga ah sida UN ta oo kale mawqif ka qaataan aqoonsiga wadan, marna, waa inay wadamada xubnaha ka ah UN tu iskood u ogolaadaan ama diidaan aqoonsiga wadan…” Halkaas waxa ku jira qalad way nee bal ha loo fiirsado.

Bal hadda akhriste u fiirso: Qaramada Midoobay (UN) waxba ma aqoonsato haba yaraatee, wax mawqif ahna kama qaadan karto aqoonsiga wadan. UN ta wadankii shuruudaha xubinimadeeda buuxiya ayuunbaa ka mid noqda oo kursi ku yeesha, laakiin iyadu aqoonsi ma bixiso. Bal hal wadan oo UN tu aqoonsi siisay ha la soo helo. Hadii wadan uu laba kala noqonaayo, qaybta cusub ee aqoonsiga doonaysaa waa inay si sax ah u kala baxaan cidii ay wax wada lahaayeen (Eretria iyo South Sudan xasuuso), UN tuna si toos ah bay kursigooda xubinimada u siinayaan. Hadii aanay taasi dhicin, oo labadii dhinac ee kala tagaayay aanay kala bixista isla ogolaanin na, waa in seddex-meelood laba ka mid ah wadamada UN ta xubnaha ka ahi (in ka badan 120 wadan) ay wadanka cusub ee aqoonsi doonka ah soo aqoonsadaan. Kolka liiska wadamada aqoonsani ay intaas gaadho ee aanu hal wadan ka dhinayn oo kaliya ayuu wadankii cusbaa kursigiisa UN ta heli karaa. Inta ka horaysa maya, waana sababta hor taagan wadanka yar ee Kosovo la yidhaaho. Wadankaas waxa aqoonsan 67 wadan oo ay Ingiriiska iyo Maraykan kuba ku jiraan, hadana UN ta kursi kuma laha. Xataa kursi UN ta ugama keeni karaan wadamada aqoonsan oo ay hormuud u yihiin kuwa siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka ee manta hogaamiya. Xaqiiqadaas Digtoorka PH.D ga sheeganaaya ee Somaliland ma oga, sababtoo ah dee TV ga kama yidhaaheen wixii uu yidhi hadii uu sidaas u ogaan lahaa.

Ugu dambayntii, qoraalka manta qodobka aan ku soo xidhaayaa, (qoraaladu way inoo sii socon), wuxu yahay su’aal muhiim ahayd oo uu uu Wariye C/laahi (SLTV, madasha qurbejooga) hor dhigay Digtoorka. Su’aashu waxay ahayd, shirka May 2013, ee London lagu qaban doono ma ka soo qayb galaysaan? Sidii uu u rafanjiray awalba ayuu taasna ugu raftay, waanu awoodi waayay inuu haa iyo maya midkoodna yidhaaho. Wuxu xasuustay shirarkii hore (London, February 2012, iyo Istambul, June 2012) oo labadaba sheegay inaanu imanaynin, kadibna tagay. Waa siyaasad aan qorshe cayiman oo la raaco iyo mabda toona ku dhisnayn, waa siyaasad aan run ku dhisnayn, intaas oo dhan kadibna, waa siyaasad wiilkaas kolba meel isaga dhoofaaya, ee is burinaaya midig iyo bidix, horey iyo dib toona u dhaafsiisnayn. Jawaabaha uu bixinaayo iyo waxa uu ku hadlaayo wuxu ku sameeyaa hadba goobta ay ku qabsato, wax uga horeeyay, iyo wax uga dambeeyaana ma jiraan haba yaraatee. Eesh calaa Digtoor. Siyaasadda amuuraha debedu aqoon bay rabtaa, oo daacadnimo ayay rabtaa, PH.D aan si gaar ah xaalkeeda u ogahay, oon magac ahaan wax uga hooseeyaa jirin laguma wadi karo. Xoog-xoog iyo khasab ku riixis laguma wadi karo, hadii lagu wadona, way jabaysaa, khasaarhaana dhamaanteen baa wada leh.

Gunaanadkii, hadii sidaas xaal yahay, oo hal waraysi oo uu bixiyay uu sidaas isaga hor iyo daba imanaayo, oo xaalkiisu sii dhoof iyo soo dhoof uun ka bixi waayo, oo baarlamaan la xisaabtama, iyo warbaahin adag oo soo gole joojisaa aanay jirin, oo isna wixii afkiisa ku soo dacaba uu iskaga hadlo, oo ay ku jirto hadalkii uu bishii March, 2012 Hargeysa ka jeedshay ee uu ku sheegay inaanay Wasaaraddiisu qorshe shaqo oo la raaco u baahnaynba, side xaal noqonayaa? Meeshaas aqoon-darro baaxad leh baa ku jirta, laakiin waxa is waydiin ta lihi waxa weeye: Ilaa hadma ayuu Digtoor Maxamed danta umadda, ee aanu garanaynin ba sidaas foosha xun ku sii wadayaa?

HALKAN HOOSE KA DAAWO WAREYSIYADA WASIIRKA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOMALILAND OO KU HAFANAYA SIYAASADA AAN TAAGTIISA AHEYN EE LOO IGMADAY.

 

1. Waraysiga Somali Channel – Maxamed C/laahi Cumar:

 

2. Waraysiga Somaliland TV – Maxamed C/laahi Cumar

3. Waraysiga HCTV – Maxamed C/laahi Cumar


 

Qalinkii: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

Comments are closed