Olole lagu Talaalayo Xoolaha oo ka Socda Deegaano ka Tirsan Kililka Shanaad ee Itoobiya
Jig Jiga 10.May (SDN) Olole balaadhan oo ah talaalka xoolaha iyo dawayntooda oo ay si wadajir ah uga Socda Dhamaanba Tuulooyinka Hoos yimaada Maamulka Degmada Gunagado Xirfadlayaasha caafimaadka Xoolaha ee xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reer miyiga Dawlad Deegaaneedka Somaalida Itoobiya (DDSI) iyo xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha ee ciidamada gaarka ah ee liyuu booliska DDSI.
Bulshada ku nool Deegaanka Farmadow oo hoos tagta Maamulka Degmada Gunagado ayaa Werfidiyeeno booqday waxay kula kulmeen hawlgal adag oo xoolaha lagu talaalayay laguna dawaynayay,islamarkaana ay bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool agagaarka deegaanadaas ay Xoolahooda u keensanayeen in loo talaalo loona daweeyo iyagoo ka faaiidaysanaya Fursada ay xukuumadu ku daryeelayso xoolahooda.
Warfidiyeenada ayaa Goobta ay Shaqadu ka socotay kula kulmay Qaar ka mida xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha ee isugu jiray Xafiiska Beeraha ee Dawlad Deegaaneedka Somaalida Itoobiya DDSI iyo Ciidanka Liyuupolice xiligaas oo ay Tuulada Farmadow ay Xoolahooda siinayeen Adeega Talaalka iyo dawaynta,iyagoona u sheegay in ka sakow Qorshayaasha Xukuumada ee ay xili kasta Xoolaha Deegaanka kula soconayaan Talaalkooda iyo Dawayntooodaba in ay Ciidanka Liyuupolice dhankiisa ay Xirfadlayaashooda caafimaadka xoolaha ay Qaybwayn ka Qaataan Adeegyada Xoolaha Deegaanka si wadajir ahna ay u wada fuliyaan barnaamijkan iyadoo ay talaalka noocan oo kale ah ay wadajir uga soo fuliyeen Tuulooyinka Gabo gabo, Wartagaadsan, Bali-sareedo iyo iskudhoonlay,siina wadayaan talaalka iyo daweaynta Xoolaha ayay yidhaahdeen..
Dr Xamdi Aadan oo ka mid ah dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ee xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga oo ah dhakhaatiirta hirgalinaysa Barnaamijka Ololaha Talaalka iyo daawaynta xoolaha ee Degmada Gunagado oo isana Warfidiyeenada goobta ay wakhtigaasi shaqadu ka socotay kula hadlay ayaa u sheegay in ay wadaan ololahan balaadhan ka hirgalinayaan guud ahaanba gobolka Jarar wuxuuna sheegay in ay ugu horayntii ka soo bilaabeen talaalkaasi tuulooyinka hoos yimaada degmada Gunagado ayna sii wadi doonaan talaalka gaadhsiin doonaana dhamaanba degmooyinka hoos yimaada gobolka Jarar, anaga oo kaashanayna ayuu yidhi doctorku xirfadlayaasha ciidanka gaar ka ah ee LB waxaana noo qorshaysan ayuu yidhi dhakhtarkani in aan talaalno in ka badan 20 kun oo neef iyo 30 kun oo neef oo aan waawayno taasi oo aan ka daawayn doono ayuu yidhi cudurada kala duwan ee ku dhaca xoolaha deegaanka,
Jig Jiga SDN.
Qurbejoog.com