Ololaha dib u doorasho ee Madaxweyne Obama oo lacagtii ugu badneyd loogu deeqay Bishii ina dhaaftay
Washington Oct 07,2012(SDN)-Ololaha dib u doorasho ee madaxweynaha Mareykanka Mr Barack Obama ayaa bishii ina dhaaftay ay u soo xarootay lacagihii ugu badnaa ee ilaa iyo haatan u soo xarooda.
Lacagahan oo ay ololaha ugu deeqeen dad taageera madaxweynaha iyo xisbiga Dimuqradiga ayaa cadeeda lagu sheegay $181 million.
Lacagahan iyo warbixin shaaca ka qaaday in hoos u dhac uu ku yimi dadka bilaa camalka ah ee Mareykanka ayaa muujinaya in olalaha dib u doorasho ee Obama ay habsami u socdaan.
Madxweynaha ayaa doodii uu la galay ninka xilka kula taratamaya ee Mitt Romney Arbacadii ina dhaaftay kala kulamay difaac adag.
Labada musharax ayaa la guwadaa in ay dib u doodaan laba goor oo danbe,halka ku-xigeenadoodu todobaadka soo socda dood isku wejihi doonaan.
Doorashooyinka xilka madaxweynenimo ee Mareykanka ayaa la qabanayaa bisha Novenmber 06 2012.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com