Ololaha Aqoonsiga ee Cardiff Iyo Sheffeild Waa Mid ku Timi Dedaalka Jaaliyadaha, Xukuumadana Waa Waajibkeeda Inay Taageerto!
London Mar 27,2015(SDN/QJ)-Muwaadin kasta iyo Jaaliyad kasta oo Reer Somaliland ah Waxa uu Waajib Ka saaran Yahay oo ay Safiirro u yihiin Dalkeena Qaaliga ah ee Barakaysan ee Jamhuuriyada Somaliland, Wadaniyada iyo Dal Jacaylku waa mid ay Caan ku yihiin Muwaadiniinta Somaliland ee Dalka Debadiisa ku dhaqani, hadaba Jaaliyadaheenu iyaga oo ogsoon Waajibka saaran ayay Habeen iyo Ma…alinba u Guclaynayaan sidii ay Farriinta iyo Rabitaanka Ummada Somaliland u gaadhsiin lahaayeen Dalalka ay ku Nool yihiin, waana taas ta ay maanta reer Carrdiff u taagan yihiin xaqiijinteeda, reer Shaffeildna ay Hore usoo sameeyeen, jaaliyado badan oo kalana ay ku hawlan yihiin. Xukuumada Somaliland ee uu Hormuudka u yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxaa Ka go’an in ay is barbar taagto oo ay Hiil iyo Hoo u fidiso dedaal kasta oo ay Jaaliyadaheenu la yimaadaan, waxaana taas Markhaati u ah sida uu Madaxweynuhu Mar waliba Wafdi Culus Ugu soo diro Si ay Jaaliyadaha u dhiirri geliyaan, u Hambalyeeyaan, oo ay ula Dabaal degaan.
Qaranka Somaliland waxaa u degsan Istiraajiyad u gaar ah oo uu u raacayo ka midho Dhalinta Aqoonsi uu Dunida ka helo, Waxaana Istiraajiyadaas ka mid ah inuu kaashado Jaaliayadaheena Geesiyaasha ah ee ku dhaqan Dunida, kuwaas oo door Shariif ah ku leh Xaqiijinta Yuhuunta Shacbigeena iyo Gaadhitaanka Yoolka aynu Higsanayno Ummad ahaan, kaasoo ku arooraya gaadhitaanta in la dhiso Dalka Somaliland oo noqda Dal Barwaaqaysan, Horumarsan, Sharcigu Sarreeyo, Dunidu Aqoonsan Tahay oo Muwaadiniintiisu ay u siman yihiin Awoodda iyo Khayraadka Dalka, Laguna noolaado Sinnaan iyo Cadaalad dhamaystiran oo Muwaadin kastaa uu helo.
Ugu Danbayn Saaka waxaanu u Jarmaadaynaa oo aanu la Soo Ololaynaynaa, lana soo dabaaldegaynaa Jaaliyadeena reer Cardiff oo ka mid ah Hormuudka Jaaliyadaha Somaliland ee Dalkan UK.
Somaliland ha Guulaysato
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed