Olalha doorashooyinka oo ka bilowday Somaliland
Hargeysa October 19, 2024(QJ) -Ololaha doorashada ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan Somaliland, waxaana uu socon doonaa muddo 22 maalmood ah, iyadoo la soo gebagebeyn doono 10-ka bisha November.
Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ayaa maanta bilaabay ololihiisa, iyadoo taageerayaashiisa ay isugu soo baxeen fagaarayaal loo asteeyay inay ku kulmaan guud ahaan Somaliland. Xisbi kasta oo cusub ayaa loo qoondeeyay laba maalmood oo kaliya inuu ku qabto hawlihiisa ololaha, iyadoo Barwaaqo uu haysto hal maalin oo dheeraad ah si uu isugu soo baxo taageerayaasha 19ka Oktoobar.
Sidoo kale, saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye, iyo UCID- ee ku tartamaya labada doorasho ee madaxtooyada iyo xisbiga ayaa midkiiba saddex maalmood la siiyay ololahooda.
Geesta kale, waxa maanta madaarka caalamiga ah ee Cigaal ka soo degay qalabkii codaynta oo lagu daabacay dalka Ingiriiska. Doorashadan ayaa dhacaysa laba sano ka dib xilligii loogu talo galay, waxaana sabab u ah khilaaf u dhexeeya mucaaradka iyo xisbiga talada haya.