Ogoow Ama Ha Ogaan Kuuriyada Waqooyi Nugleer ayaa tijaabineysaa, Aqriso (Warbixin) By Hassan Wali
Pyongyang Jan 24 2013 (SDN)–Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay wado hanaanka qorshe ay ku tijaabineyso markii sadaxaad hub Nugleer ah.
War ay faafisay Waakalada Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa lagu sheegay in Golaha Sare ee Milatarigu uu go’aansaday in la tijaabiyo galtaalada ridada dheer iyo hubka Nugleerka wadankaasi uu muddo bacriminta ku hayay.
Warkan la soo saaray laguma sheegin waqtiga dhabta ah ee tijaabadu dhici doonta, hase ahaatee Kuuriyada Waqooyi ayaa sameysay labo tijaabo oo Nugleer ah sanadadii 2006 iyo 2009kii.
Talaabada Pyongyang ayaa timid labo maalin kaddib markii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar uu ku canbaareynayo gataankii tijaabadiisu guuleystay ee ay sameysay Kuuriyada Waqooyi.
Golaha Amaanka aya sidoo kale waxa uu balaariyay cunaqabateenada ka dhanka ah dalka Shuuciga ah, waxaana taasi ay daba socotay tijaabadii gantaal ee bishii December iyadoo Maraykanka iyo dalka dariska la ah ee Kuuriyada Waqooyi ee tijaabadaasi gantaal ku tilmaameen mid lamamnuucay.
Laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa ku jawaabtay intijaabadaasi ay tahay mid Nabdeed oo ay ku ilaalineyso danaha Qarankeeda.
W/D By: Hassan Wali Sheekh Abuubakar