|

“Ogolaan Mayno Dhaqdhaqaaq uu Cali Khaliif Galaydh ka Sameeyo Magaalada Buuhoodle,Hadii ay Dhacdana Talaabada ugu Haboon ayaan ka qaadaynaa” Wasiirka Caafimaadka DAAWO

Xaglo25Hargaysa 26.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed ayaa Hor tagay Gudida arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada.

Kulankan oo ahaa Mid ay Saxaafadu dibada ka joogtay ayaa markii uu dhamaaday Waxay Warbaahintu wax ka weydiisay Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Xaglo toosiye waxaanu sheegay inay Gudida Warbixin ka siiyeen Xaalada Caafimaad ee Deegaanada Somaliland.

Wasiirka Caafimaadku Waxa uu sheegay in Xukuumada uu ka Tirsan yahay ay dhagaysanayso hadii ay Jirto wax tabasho ah oo uu tirsanayo La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada bari Mudane Fu’aad Aadan Cade oo uu Xusay inuu yahay Oday Somaliland ah oo Tixgelin Mudan.

Dr Saleebaan Ciise Axmed Waxaa kale oo uu ka hadlay Waan Waan Nabadeed oo Meel fiican maraysa oo ay ka dhex wadaan Bulshada walaalaha ah ee Dega deegaamada Buuhoodle iyo Qori lugud.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed oo wax laga weydiiyay Warar sheegaya in Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh uu rabo inuu isku caleemo saaro Magaalada Buuhoodle ayaa Wasiirku waxa uu meel adag iska taagay dhaqdhaqaaq kasta oo dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh uu rabo inuu ka sameeyo Gobolka Buuhoodle Waxaanu sheegay in Siyaasada Xukuumadu tahay Sidii ay u soo dhawayn lahaayeen Cid kasta oo nabadgalyo wada .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed