Odeyaasha Dhaqanka Khaatumo:Saado waxaad tahay fanaanad Qaran ha ku kadsoomin shirqoolka uu kuu maleegayo C/raxmaan Faroole
Garoowe July 22,2012(SDN)-Odeyaasha dhaqanka ee maamulka Khaatumo ayaa fariin waano iyo digniin isugu jira waxa ay u jeediyeen fanaanda Saado Cali Warsame oo haatan booqasho ku joogta degaanada maamul goboleedka Puntland.
Qoraalkan oo nuqul kamid ahi na soo gaaray ayaa sidan u qoraa;
“Saado waxaad tahay fanaanad Qaran oo Soomaali dhexdeeda cizi & sharaf ku leh, waxaan kuu soo jeedineynaa inaadan ku kadsoomin shirqoolka uu kuu maleegayo C/raxmaan Faroole ee ah inuu kugu shaqeysto, isla markaana u beddelo magacii Qaran ee aad xambaarsaneyd magac beeleed, arrintaasi waxaan kugula talineynaa inaad si mug leh kaga fiirsato balaayadaan lagu magacaabay dastuur ee la isku xagxaganayo inaad ka mid noqoto dadka ansixinaya, waxey taariikhdaada ku reebi doontaa raad mugdi ah.
Inaad dalkaaga u shaqeyso waa wax muhiim ah weliba xilligan adag ee lagu jiro, balse halka aad ka billaabeyso waa in ay noqotaa halkii ku habooneyd, Faroole wuxuu ka mid yahay dadka shiddada & dhibaatadda ku haya Soomaaliya, ee fulinaya danaha shisheeye, waana shaqsi ay qabyaalad reer hoose ku dhisan madax-martay, qofka ceynkaas ah inaad hoos tagto, oo siyaasad uu geed-fadhi u yahay aad u qidmeyso waxey dhaawac halis ah ku tahay qofnimadaada & magaca aad Soomaali ku dhex laheyd.
Waxaan kugula talineynaa mar 1-aad 2 & 3-aad in aad dib ugu laabato halkii aad ka timid, lana tashato siyaasiyiinta & bulshadda waxgaradka ah ee reer Khaatumo”.
Xassan Ismaaciil Jaamac
Keyse Xersi Afweyne
Aw-Aadan Xassan Buuni
Ciise Jaamac
Mahad C/nuur
Sheekh Max’ed Mahad-alla
C/raxmaan Xuurshe
Baashe Diiriye
Saacid Max’uud
Caasho C/nuur
Xamza Xassan Mire.
SDN-Garoowe
contact@somalidasporanews.com