|

Odeyaal loo qabqatay in ay taageereen Al Shabaab

Kismayo October 22, 2023 (QJ) -Maamulka Jubbaland ayaa maanta xabsiga dhigay Odayaal dhaqameedyo ku sugnaa magaalada Kismaayo, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeeyaan kooxda Al-Shabaab.
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa Odayaashan ku xukuntay 60-maalmood oo xarig ah, si loo sii baaro dambiyada lagu soo oogay.

Maamulka Jubbaland ayaa horay odayaasha dhaqanka uga digay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ciddii u hogaansata awaamiirta Al-Shabaab ama heshiis la gala laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Odayaal uga soo xirtay magaalada Cadaado laguna xukumay xarig 15 sano ah, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab oo ay heshiisyo la galeen.

Sharci ka dhan ah AS oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya sanadkii hore ayaa dambiile u aqoonsanaya cid kasta oo taageerta kooxda Al-Shabaab.

Comments are closed