|

Odaygii Ugu Cimriga Dheeraa Shacabka Reer Sanaag Oo Geeriyooday

Badhan:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Waxa Maalintii shalay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ku Geeriyooday  allah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Ibraahim Cigaal(xiddig) oo loo aqoonsanaa inuu ahaa qofki ugu da’da weynaa shacabka Gobolka sanaag ku dhaqan.

maseegMarxuunka ayaa lasheegay Da’diisu  ahayd 123-sanno uuna ahaa ninka ugu da’da weyn Mandaqadda Maakhir Waqtigan Iminka Lajoogo Waxaanu Ifadda Kaga tegey Durriyad Gaadheysa 110qof oo iskugu jirta wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen.

Marxuunka ayaa dadka aad uyaqaani waxay sheegaan inuu ahaa nin cibaaado badan , Nabadaynta Dib U heshiisiinta Beelaha iyo Uheellanaanta Nabad Kuwada Noolaanshaha Ku caana .

Marxuunka ayaa muddadii ugu dambeysey ahaa shaqsi dhulyaal ah oo aan sariirtiisa doc udhaafin sidoo kalana waxaa yaraatay xasuustiisa.

Marxuumka ayaa ugu dambayntii maalintii shalay ku geeriyooday Magaalada Badhan, waxana lagu aasay isla halkaas.

Innaalilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed