“Odayga xigtadiisu way garanayeen inay lama taabtaan yihiin. Tabashadii Awdal-na ma Col. Cumar oo adeerkii xanuun saday iyo Madaxwayne xigeenka ayaa…..”Muj, Cali-gurey
Hargeysa:March,01,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey), ayaa ka falceliyey Isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Habeen hore ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxana uu tilmaamay inaanay ahayn wax la aqbali karo.
Mujaahid Cali-gurey oo qoraal Kooban soo dhigay Bartiisa Face-book-ga, ayaa tilmaamay in isku shaandhayntani noqotay mid aan loo fadhiyin oo ka duwan sidii la doonayey, waxana qoraalkiisu u dhignaa sidatan:
Ka dar oo dibi dhal! Waar odaygu ma isagaa wax isku shaandheeyay? Waabu hurday baa lagaa yidhi. soomaalidii hore waxay odhan jirtay weelka habeenkii waa la foorariyaa hadii kale Jin baa ku shaqaysta oo kaaga dambeeynaya. Waxan u malaynayaa habeenkii odayga in looga dambeeyo madaxtooyada oo jin ku shaqaysto oo wax isku shaandheeyo oo kala shaandheeyo.
cali guray Mise waxan idhaa intii uu inaga shaandhayn lahaa ayaa iyagu is kala shaandhaysay oo way is kaga baqdeen intii odayga xigtadiisa ahayd oo way garanayeen inay KHAD CAS YIHIIN iyo lama taabtaan. Samaale iyo Cabdi aw Daahir nasaluu baa la yidhi kii ciyaarahana iyo tacliintaha dalacuu baa la yidhi. Waar maxaa meesha ka dhacay? Tabashadii odayaasha Awdal ma Col. Cumar oo adeerkii xanuun saday iyo Madaxwayne xigeenka ayaa lagu furdaamin karaa? Wabarba ma goyse eh.
Waar isku shaandhayntiisa mooyee waabu inooga sii daray. Oo ma kaasaa laga sugayaa inu soo dhiso dawlad lagu wada kalsoonaan karo oo dalka gaadhsiin karta doorasho xor iyo xalaal ah? Ha u fadhiyin. In badan ayaa odhan:
WELIGAY CAD QUUDHEED
ANNA QAADAN MAAYOO
QALANJADA FARAHA DHEER
WAX LA QAYBSAN MAYEE
SDN/QJ