Odayaashii soo xulay Barlamanka Soomaaliyeed oo ku baaqay in la joojiyo Mowshinka laga wado R/wasaare
Muqdisho May 21 2013 (SDN)— Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka oo kulan ku yeshay maanta magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay mudanayaasha mowshika ka keenay xukuumada iney ka noqdaan, iyagoo ku taliyay in wixii qaldan la saxo.
Kulan ay odayaashi dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ay ku yeesheen Muqdisho ayaa looga hadlay xaalada wadanku marayo iyo sida loogu baahanyahay in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara khilaaf keena dib u dhac.
Xubno u hadlay odayaashaasi ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin mowshinka laga keenay xukuumadda iyagoo ugu baaqay mudanayaashaasi iney ka laabtaan mowshinkaasi ka dhanka ah xukuumada R/wasaare Saacid, waxeyna ku taliyeen in wixii qaldan la saxo iyada aan la abuurin khilaaf keena dhibaato hor leh.
Kulankan ayaa yimid xilli mudanayaal ka tirsan Baarlamanka ay keeneen mowshin ka dhan ah xukuumada R/wasaare Saacid., waxaana hadii talabaadan xildhibanada kenay mushinka ay ku adkestaan ay keeni kartaa in caalamka indhihiisu uu laaabto soomliya.
Xildhibaanadii kmg ahaa ayaa loga bartay muushino is dabayaal ah oo dhan ah hadba cida ay is leeyhiin waad ka heli kartaan danihiina gaarka ah , balse mushinkaan ka dhanka ah ra isal wasaare saacid ayaa ah mid ay ka so horjedaan shacabka intiisa badan.
SDN-Muqdisho