|

Odayaashii Deegaanka Xariirad ee ku Jiray Xabsiga Boorama oo Maanta Xoriyadoodii dib u helay

Boorama 27.May (SDN) Waxa maanta  si rasmi ah Xabsiga dhexe ee Magaalada Boorame looga sii daayay duqaydii u xidhnayd  shaqaaqadii Bishii saddexaad ee sanadkan ka dhacday Degaanka xariirad ee Gobolka salal.

Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha  Mudane Maxamed Nuur Caraale(Duur)  ayaa  maanta si rasmiya  xabsiga uga sii daayey  duqaydaas oo tiradoodu dhamayd  Toban Oday, oo ka mid ah waxgaradka degaanka xariirad ee uu ka soo jeedo ninka  dhacdada Dilka ah ka gaystay degaankaas.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo sii dayntooda ka dib  kulan kula yeeshay duqaydaas  xarunta  maamulka Gobolka Awdal ee Boorame ayaa sheegay in aanu xadhigoodu la xidhiidhin Dambi aygaleen balse uu ahaa mid ku yimi  talaabooyinka xasilinta  nabadgalyada iyo sidii xal looga gaadhi lahaa dhacdada dilka ahyad ee degaanka as ka dhacday. Wasiirku waxa uu tilmaamay in dadaalkii nabada iyo xilkasnimadii ay muujiyeen duqayda Dhibanuhu ka soo jeeday lagu gaadhay in xoriyadoodii loo soo celiyo xabsigana laga sii daayo

Wasiirka Arimaha Guduhu waxa uu kula dardaarmay duqaydaas in looga fadhiyo in ay ka hawlgalaan nabadii degaanka iyo sidii bulshadu isu dhexgali lahayd soona gacan galiyaan Gacan ku dhiiglihii falkaas ku kacay.

Duqaydan ayaa ka mahad celiyay sidii haboonayd ee loola dhaqmay mudadii ay xabsiga ku jireen,Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal IYO Maayarka Magaalada  Boorame saleebaan xasan xaddi ayaa iyaguna odayaashaas u jeediyay in ay dhinacooda ka hawlgalaan adkaynta nabadgelyada degaankaas.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed