|

Odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Gabiley oo sheegay inaanay Beeshoodu wax lug ah ku lahayn dilkii Seemaal

Hargeysa, 04, 2012 (Qurbejoog.com)- Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanka Gabiley ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday inaanay beeshoodu wax lug ah ku lahayn dilkii foosha xumaa ee dhawaan lagu dilay saddex oo ka soo jeeda gobolka Awdal,kaasoo ka dhacay deegaanka Seemaal oo u dhexeeya Baki iyo Gabiley.

Xubnahan isugu jira waxgaradka iyo Odayaasha oo maanta warbaahinta kula hadlay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa waxay si adag u naqdiyeen tallaabooyin ay sheegeen in Xukuumaddu ka qaaday cuqaashooda, iyagoo tilmaamay in dhacdadaas foosha xun ee dadka lagu laayay ay u kuurgaleen, isla markaana baadhitaan dheer oo ay sameeyeen ay ogaadeen inaanay beeshoodu wax lug ah ku lahayn.

Ugu horeyn waxa shirkaa jaraa’id ka hadlay Xaaji Xasan Muxumed Yoonis, waxaanu ka warramay ujeedada shirkooda jaraa’id. “Ujeedada shirkayagani waxa weeye inaanu cadeyno inaanay beesha waqooyiga iyo galbeedka Gabiley aanay wax lug ah ku lahayn dhacdadii ka dhacday deegaanka Seemaal ee lagu laayay saddexda qof, kaasoo beesha loo tuhmay.

Waxa beesha lagu qaaday tallaabooyin adag , iyadoo aan loo kuurgalin inay ka dambaysay dhacdadan iyo inaanay ka dambayn.” Ayuu yidhi Oday Xaaji Xasan.

“Beeshu markii ay si walba u baadhay way ka wayday inay wax lug ah ku lahayd dilkaas, beeshuna bari ayay ka tahay, dawladu waxay sheegtay inay raadad hayso, iyadaana ka masuul ah waxaa ay hayso.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Xaaji Xasan Muxumed Yoonis.

Oday Cumar Barkhad Bullaale oo isaguna ka hadlay shirkaas ayaa sheegay in arrintii lagu laayay saddexda ay lagu masabiday beeshooda, balse aanay iyagu wax lug ah ku lahayn.

Sidoo kale, waxa ka hadlay shirkaa jaraa’id Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda deegaanka waqooyiga iyo galbeed Gabiley dhamaantoodna waxay tilmaameen in dhacdadaas lagu tuhmay beeshooda aanay waxba ka jirin, isla markaana ay diyaar u yihiin dhaar.

 

Qurbejoog-Gabiley

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed