|

OCHA oo ka deyrisay Xaaladaha dadka daadadku qaadeen

Muqdisho December 04, 2023 (QJ) -Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka ku dhintay fatahaadaha Soomaaliya ay gaartay 110 qof.

Warbixinta OCHA ayaa lagu sheegay in in ka badan hal milyan oo qof ay ku barakaceen fatahaadaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay muujineysaa walaaca laga qabo cudurrada ka dhasha biyaha iyo nafaqo-xumada ee ka dillaacay deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Hay’addu waxay kaloo xustay, in ilaa hadda, kaliya 30% dadka ay dhibaatadu saamaysay ay heleen gargaar.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa Soomaaliya ka da’ay roobab mahiigaan ah, waxaana ka dhashay fatahaado baahsan oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba, sida barakac, burbur hantiyeed iyo burburka kaabayaasha dhaqaalaha.

Daadadka ayaa loo aaneynayaa saameynta ay leedahay cimilada El Niño, taasoo saameyn weyn ku yeelatay cimilada adduunka.

Comments are closed