Obama:sharcigu waa ii uu fasaxayaa in aan weeraro ISIS
Washington Sept 10,20149SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa kulan uu la yeeshay hogaamiyeyaasha axsaabta mucaaridka ee aqalada Sentka iyo Wakiilada si uu ugala xaajoodo xaalada ISIS.
Madaxweyne Obama ayaa maalmihii u danbeeyay waxa uu culeys weyni ka soo wejahay sida uu u maareynayo khatarta Mareykanka uga imaneysa kooxda ISIS.
Obama ayaa dhawaan sheegay in aanu weli isku duba ridin qorshe cad oo ku wejahan kooxda ISIS ee gacanta ku heysa dhulka u badan ee dalalka Ciraaq iyo Syria.
Madaxda Mucaaridka Mareykanka ayaa saxaafada u sheegay in aaney la qabin in madaxweyne Obaama uu sharciyan xaq u leeyahay in uu goaaansado weerarka ISIS.
Mucaaridku waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay ka xaajoodaan qorshaha madaxweynaha si ay u hubiyaan in qorshahaasi yahay mid suurtogal ah.
Koosda ISIS ayaa todobaadkii ina dhaafay qudha ka jaray laba suxuufi oo Mareykan ah oo ay ka afduubteen dalka Syria.
SDN/QJ-Washington