Obama Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Dhiggiisa Ruushka
Washington:Aug,04,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa si kulul u weeraray Dawladda ay sanadahan dambe is hayaan ee rusia.
Obama oo Waraysi siinayey Majalad laga leeyahay dalkiisa, ayaa tilmaamay inay Dawladda Ruushku halis ku Hayso Ammaanka iyo degenaanshaha dunida nabadda jecel.
Obaama oo aad u careysan ayaa sheegay in dowladda Ruushku aysan waxba ku soo kordhin Caalamka, isla-markaana aanay awood u lahayn inay badbaadiyaan xataa dadka macaluuushu hayso.
“Muhaajiriintu uma cararayaan dalka Ruushka si ay fursado u helaan, Ragu ma dhaafaan 60 jiro,” ayuu Obaama oo Majaladaas la hadlaya sheegay.
Barack Obama ayaa sidoo kale weeraray Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin oo uu tilmaamay inuu kaligiis isku soo koobay Kursiga taasina ay dhaawaceyso Horumarkii uu sameyn lahaa dalkaasi.
Dalka Ruushka ayaa ah dalka 3-aad ee soo saara Shidaalka ugu badan Adduunka iyadoo sidoo kale uu kaalinta labaad ka galayo dalalka soo saara Gaaska, Wadamo badan oo ka tirsan Qaarada Yurub ayaana ku tiirsan Gaaska uu soo saaro dalkaasi.
SDN/QJ-
Contact@somalidiasporanews.com