Obama oo Booqanaya Boqcad Dal ay Madaxweyneyaashii Ka Horreeyey Ka Maaggeen
Yangon Nov 20,2012 (SDN/Hubaal)-Madaxweyne Obama ayaa ku taagan dariiqii uu ku samayn lahaa taariikh dhamaadlka asbuucan, socdaal uu ku tegi doonno wadamo Aasiya ah oo ay ka mid yahiin Myanmar oo madaxweyne maraykani markii ugu horeeyey ay tani ka dhigayso inuu booqdo. Socdaalka sadexda cisho qaadan donna ee Obama ku marayo Gobolkaasi ayaa waxaa qayb ka ah wadamadda Thailand iyo Cambodia, halkaasi oo uu kagga qayb geli doonno shirka Aasiyadda Bari.
Myanmar oo siddoo kale loo yaqaano Burma, Obama ayaa la hadli donna bulshadda shicibkaa si uu ugu dhiirigeliyo isbedelka dimuquraadiyadda ee ka socda Burma, sidda uu sheegay Aqalka cad ee maraykanku, waxuu madaxweyne Obama la kulmi doonaa madaxweyne Thein Sein iyo iyo Aung san suu Kyi oo u ololaysa dimuquraadiyadda, in badana xabsi guri ku jirtey.
Safarkan ayaa ka dhashay markii Madaxweynaha Myanmar uu furay qaab wax lagaga bedelaayo dimuquraadiyadda dalkaasi, Thein Sein ayaa sameeyey qaab xukumadiisu jeelasha kaga sii deynayso boqolaal maxaabiisa oo dhinaca siyaasadda u xidhnaa sanadahii laga soo gudbey. Tani oo qayb ka ah isbedel taxane ah oo wax lagaga bedelaayo dulmigga tobanaanka sanadoodd xukunka mulateri ku hayey dalkaasi. Dowladaha reer Galbeedka ayaa arintaasi kaga jawaabey dadaalo ay bilaabeen oo ay kaga khafiifiyeen cunaqabatayno xukumadahaasi mulaterigga ahaa culays lagu saaraayey.
Xukuumadda Myanmar ayaa ka shaqaynaysa wadda hadalo nabadeed oo ay la gasho mucaaridka dalkaasi, waxayna u ogolaatay Xisbiga Suu Kyi oo loogu yeedho (National League of Democracy) inuu si guulla uga qayb qaato doorashooyinka khaaskaa ee Barlamaanka Qaranka bisha April 2013. Guriga cad ayaa yidhi waxaanu u malaynaynaa fariinta madaxweynaha Maraykanku, markuu halkaasi gaadho, waxay noqonaysaa soo dhoweynta horumarkaasi halkaasi ka dhacay, ogeysiinta horumarka taariikhda dhabtaa ee aanu aragnay socodkeedda sanadkan tegey, waxaana lagu sii adkaynayaa in shaqo badan loo baahanyahay, si loo xaqiijiyo isbedelkaasi inuu noqdo xukun shacabiya, si loo xaqiijiyo isbedel buuxa oo dimuquraadiya iyo inay dhacdo dib u heshiisiin qaran, waxaa sidaasi yidhi Ben Rhodes ku xigeenka la taliyaha Qaranka ee nabadgelyadda iyo xidhiidhadda Istaraajigga.
Suu Kyi oo u ololaysa xoriyadda iyo dimuquraadiyadda oo 15 gurigeedda lagu xidhay ayaa u socdaashay Washington horaantii sanadkan si ay u qaadatao abaal marin, taasi oo lagaga soo daayey guriggii ay ku xidhnayd laba sanno ka hor, dabadeed loo doortay Golaha wakiiladda ee Myanmar sanadkan, taasi oo ah wakhti mudan taariikhda siyaasadda ee dalkan.
SDN-