Obama Oo Ansixiyay in Maraykanku uu Saanad Milatari Siiyo Soomaaliya
Washington April 09 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa sheegay in dowladiisa ay tababar siineyso ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qalab militari si ciidamadaasi loo qalabeeyo.
Warkaan kasoo baxay aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Obama uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda in uu hirgaliyo qorshocusb oo lagu tababarayo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xukuumadda Washinton ayaa sheegtay in u istaagtay sidii ay taageero buuxda ay usiin lahayd Soomaaliya waxaana warka uu intaasi ku darayaa in Mareykanka uu goaa’miyay dhaqaalihii ku bixi lahaa qorshahaani.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay nabadeynta Soomaaliya si buu yiri Soomaali ay mar kale cagaheeda isugu taagto.
“Soomaaliya waxaa isku bahaystay Al qaacida lakiin hada wax badan awoodooda hoos ayey u dhacday tan iyo markii laga saaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya” sida lagu sheegay warka Aqalka cad.
Dalka Mareykanka ayaa ka mid ahaa dalalka sida weyn ugu ololeenayan in Soomaaliya laga qaado xayiyraada dhinaca hubka.
SDN-Washington