Obama oo Akhiiro u diray Romney
New York Oct 17,2012(SDN)-Waxa goordhaweyto uun la soo afmeeray doodii labaad ee ay yeesheen labada musharax ee ku tartameysa xilka madaxtinimada dalka Maryekanka ee Barack Obama iyo Mitt Romney.
Doodii xalay ayaa aheyd mid xiiso gaara laheyd bacdamaa doodii hore ee labada musharax uu guuleystay Romney.
Madaxweyne Obama ayaa la shir yimi doodii xalay firfircooni iyo dardar uu ku soo bandhigayo qorshihiisa wax qabad ee shanta sano ee soo socda.
Mitt Romney oo filayay in uu si fudud dooda ugu weeciyo waxyaabihii aan u suurto gelin in uu fuliyo madaxweyne Obama ayaa isdifaac ku dhameystay 90 daqiiqadood ee doodu socotay.
Dadka qiimeeyay doodaha siyaasadeed oo daawaday doodii xalay ayaa sheegay in madaxweyne Obama oo si weyn isugu soo diyaariyay dooda ayaa cashar u dhigay Romney.
Labada musharax ayaa mar kale isku wejihi doona doodooda sadexaad dhawaan,doodii xalayna waxa ay kor u soo qaaday fursadii guusha ee madaxweyne Obama.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com