Nuxurka Warbixintii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ee Golaha Wakiilada (DHAGAYSO)
Hargasya 29.April (SDN) Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jsl,Md.Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada waxa uu Mudanayaasha Golahaasi faah faahin ka siiyay Waxqabadkii wasaaradiisa ee tan iyo bilwgii sanadkan waxaana uu sheegay in aanay Wax Nabadgalyo Darro ahi Dalka Ka jirin , waxaana uu Xusay in Amniga Dalka Si weyn Kor Loogu Qaaday.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay dadaalka xukuumada ee ku wajahan kor u qadista tayada ciidamada ammaanka waxaana uu sheegay in Tababaro loo xidhay dufcadii labaad ee Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee R.R.U,da, iyaga oo dhinaca kalana tababarkaasi ay la qaateen Boqol iyo Konton Haween ah oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo uu sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan Kor U qaadista Hawlaha Ciidmada Booliska.
Sidoo Kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa Golaha uga Waramay arrimo ku taxaluqa hawl galada Ciidanka Booliska .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DUURFADAL.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com