|

Nuxurka War-saxafadeed Xisbiga Kulmiye Kaga Gal-gashay Hadal Guddomiyahoodu Ku Weeraray Culimada Dalka Oo Si Lama Filaan ah Warbaahintu u Faafisay

Hargeysa:March,05,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Kulmiye, ayaa si weyn uga cadhooday Hadal Guddoomiye Muuse Biixi Goob xabaal ahayd ka yidhi, kaas oo  ka dhan ahaa wadaadadda waddanka.

paarHadalkaas, ayaa markii ay saxaafaddu heshay baahay, waxana si weyn uga cadhooday Guddoomiye Muuse Biixi oo tilmaamay inaanu odhanin amaba si kale wax loo leexiyey, waxana uu kasoo saaray war-saxaafadeed u ku diidan yahay.

halkan hoose kaga bogo warsaxaafadeedka xisbiga Kulmiye

Waxa maalintii Salaasadda ee taariikhdu ahayd 03/03/2015 lagu daabacay warbaahinta qaarkood war la xidhiidhay hadal dardaaran iyo tilmaan ahaa oo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi jeediyey, balse saxaafadda qaarkeed, gaar ahaan Wargeyska HIMILO si cad u marin-habaabiyey oo aflagaado ku ah culimada oo dalkan iyo dadkiisaba karaamo iyo qadarin ka mudan.

Haddaba, waxa xisbiga KULMIYE u caddaynayaa shacabka reer Somaliland in warkaasi ahaa mid si been-abuur cad ah loo dhigay sida Wargeyskii baahiyeyba ku saxay cadadkiisii maanta(shalay) (04/03/2015).

Gabogabadii, aflagaadada birmagaydadu maaha dhaqanka Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee xisbiga KULMIYE toona, waxaannuna warbaahina uga digaynaa faafinta wararka been abuurka ah ee ka soo horjeeda anshaxa iyo   xeerka saxaafadda dalka.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Mustafe Iid Maxamed

 

Agaasimaha Xafiiska Maamulka, Xisaabaadka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed