|

Nuxurka wadahadal dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo wefti ka socda Baanka Horumarinta Afrika

Hargeysa 18, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda Baanka Horumarinta Afrika oo shalay socdaal ku yimi caasimadda dalka ee Hargeysa.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed Madaxtooyadu soosaartay, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu weftiga ka socda Baanka Horumarinta Afrika (African Development Bank) uu uga mahadceliyay booqashadooda Somaliland, wuxuuna uga waramay baahiyaha Somaliland iyo waxyaabaha ay qabsatay, wuxuuna warsaxaafadeedka kulankaas laga soosaaray u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Horu-marinta Afrika (African Development Bank).

Madaxa Weftiga oo madaxweynaha uga waramay u jeedada socdaalkooda ayaa sheegay in uu baanka horumarinta Afrika diyaar u yahay inay Somaliland qayb ka noqoto mashaariicda horumarineed ee uu baanku ka wado mandaqada.

Xubnaha weftiga ayaa ku dheeraaday muuqaalka quruxda badan ee ay Somaliland kala kulmeen waxaanay sheegeen in uu soo jiitay marka la eego nabad-gelyada, hour-marka laxaadka leh ee ganacsiga madaxa banana iyo hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday.

Madaxweynaha Somaliland oo weftiga ku soo dhaweyey dalka ayaa uga waramay kartida ay la timid Somaliland ee ay ku dhisatay dawladnimada iyo nabad-gelyada ka jirta, haatana ay u baahan tahay cid ka gacan qabata hour-marka, waxaanu madaxweynuhu soo dhaweeyey booqashada uu baanku ku yimid dalka isaga oo ku dhiiri-gelioyey in ay dhinacooda ku soo dhiiradaan in ay Somaliland wax kala qabtaan horumarka dhinac-yadabadan ee ay u baahan tahay.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed