Nuxurka uu daaran yahay Shirka Qaran ee Shaqo la’aanta Somaliland ee dabarka Goostay
Hargaysa 23.May (SDN)War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada Mud,Maxamud Axmed Barre Garaad,ayaa ku sheegay in la qaban doono shir Qorshe Qaran oo la xidhiidha shaqo abuurka.
Warsaxaafadeedkan oo Nuqul ka mid ah uu soo Gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa lagu sheegay in Shirkani uu furmi doono 24-ka ilaa 25ka Bisha June 2013.
Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u dhignaa Sidan:-
Inkasta oo dhaqaalaha Dalku si Tartiib tartiib ah u soo Kobcayo labaatankii sanno ee u danbeeyay,hadana waxaa iska cad in dhismaha iyo Kobocu aanu soo Jiidan Shaqo abuur badan.
Gaar ahaan dadka ay da’doodu ka yar tahay 30 Jirku,kuwaas oo 70% bulshadeena ka ah,Shaqo la’aan iyo Weliba aqoontii oo hoosaysa ayaa Mid walba soo Wajahda Guud ahaan Somaliland.
Dawladu waxay xaqiijinaysaa in talaabo deg deg ah loo baahan yahay si loo bedelo qaab dhismeedka dhaqaalaha,loona abuuro horumar dhanka Shaqo abuurka ah,Sidaa daraadeed waxaa dawlada ka go’an inay keento dhamaanba Daneeyayaasha,kuna hogaamiso sidii loo samayn lahaa Shir qaran oo khuseeya Shaqo abuurka.
Ujeedada Shirkaas
- Ø Sidii loo heli lahaa Siyaasad cad oo lagu balaadhinayo baaxada Shaqo ee Somaliland.
- Ø Ujeedada gaarka ah ee laga leeyahay waxaa ka mid ah:- Sidii loo fahmi lahaa,Si habaysana loogu furdaamin lahaa caqabadaha hortaagan koritaanka Shaqo,si looga baxo loona Yareeyo tiro badan oo ka mid ah dadka Shaqo la’aanta la Kulma .
Ujeedada Qorshaha Shaqo ayaa la xidhiidha Shaqo abuuur iyo in la helo dhaqaale abuura fursado Maalgashi,Ganacsi,Horumar Xirfadeed,iyo Joogtaynta Quutal Daruuriga .
Warsaxaafadeedka Wasiirka Shaqadu waxa uu xusay in ka soo qayb galayaasha Shirkan qaran ee Shaqo la’aantu ay ka kooban yihiin Lixdan qof oo ka kala socda Xubnaha Sare ee dawlada, Dhalinyarada,Ururada bulshada,Qaadhaan bixiyeyaasha, Hay’adaha Caalamiga ah,Kuwa UN-ka,Madaxda Jaamacadaha, Ururada Shaqaalaha,Ururada Loo Shaqeeyaha,Xarunta Ganacsiga iyo Wixii la mid ah.
Warsaxaafadeedka oo ka hadlaya Waxyaabaha la samaynayo Shirkan qaran Hortii ayaa lagu Sheegay in loo baahan yahay inay qabsoomaan arrimahan .
1.Kulamo Gobolada ka qabsoomaya,Ujeedaduna tahay Sidii looga wada Tashan lahaa,loogana qayb qaadan lahaa si loo helo Xog dhamaystiran iyo Caqabadaha hor taagan.
2.Kulamo Saxaafadeed,iyadoo Khubaro la soo Xulay ay ka hadli doonaan kulamo ay u qabtaan Warbaahintu.
3.Daabacaad.Waxaa lagu Casuumi doonaa Saxaafadu inay daabacaan Warbiximaha la xidhiidha arrintan.
4.Samaynta Mareeg:Waxaa la samayn doonaa Mareeg Internet Si aaraada iyo afkaaraha laga soo dhiibto loogu kaydiyo.
Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in iyana la qaban doono Bandhig Carwo oo la xidhiidha arrimaha Shaqada,laguna soo bandhigi doono waxsoo saarkeeda iyo dhamaanba adeegyada la xidhiidha arrimaha shaqada.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Md.Maxamud Axmed Bare Garaad ayaa Sheegay in Shirkan qaran ay qaban qaabadiisa iska kaashanayaan Wasaaradaha Shaqada iyo arrimaha bulshada,Qorshaynta qaranka,Hay’ada ILO iyo Dalada Dhalinyarada ee Sonyo .
Shirkan ayaa noqon doona kii u horeeyay ee lagaga hadli doono camal la’aanta baahsan ee haysata da’yarta Somaliland iyadoo ay Sannadkastana ka soo baxaan Jaamacadaha wadanka arday tiro badan kuwaas oo marka ay waayaan rajooyinkii ay filanayeen ay ku kalifto inay ka tahriibaan Wadanka,arrintaasina ay sababto inay nafahooda ku waayaan dhalinyaro badan oo dalka u soo kacaysay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com