|

Nuxurka Qoraal uu Gudoomiye Cirro u Gudbiyay Dhigiisa Guurtida iyo Gudoomiye Muuse Biixi oo Hadalkiisii uu beenoobay

Hargaysa 06.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro),ayaa Warqad uu u diray Gudoomiyaha Guurtida ku caddeeyay inaanu jirin Farqi ama kala duwanaansho u dhexeeya Xeerka Diwaangalinta Codbixiyeyaasha ee Wakiiladu ansixiyay iyo ka Guurtida loo gudbiyay.

Salebaan-Gaal-Iyo-Cabdiraxmaan-CirroGuddoomiye Cirro oo Jimcihii la soo dhaafay warqadan u diray Gudoomiyaha Guurtida ayaa sheegay in Xeerka Golaha Wakiilladu ansixiyay iyo ka Guurtida horyaal yihiin mid isku mid ah “Mudane,Guddoomiye aniga oo eegaya wada shaqaynta Distooriga ah ee labada Gole iyo kulankeenii shalay ee ku taariikhaysnaa 29-10-2014,waxaan ka jawaab celinayaa saddexda qodob ee ku xusan warqadaha kor ku xusan ee kala ah qodobka 25-aad,qodobka 26-aad iyo qodobka 27-aad farqadiisa 2-aad.

Mudane,Guddoomiye waxaan halkan kuugu caddaynayaa in Nuqulka Xeerka ee loo soo gudbiyay Golaha Guurtidu yahay isla Nuqulka Golaha Wakiilladu ansixiyay, mana jiro Nuxul labaad oo xeerkani leeyahay,sidaas daraadeedna farqi uma dhaxayn karo Nuqulkan iyo Nuqul kale oo aan jirin.haddaba gudoomiye qodobka 25-aad waxaa lagu daray dalabkii Madaxweynaha ka yimid.” ayuu Guddoomiye Cirro ku yidhi Qoraal uu Jimcihii u gudbiyay Guddoomiyaha Guurtida oo nuqul ka mid ah helay Wargeyska Geesku,isagoo wareegtada Madaxweynaha ku lifaaqay.

Guddoomiye Cirro oo tixraacayay warqad uu Gudoomiye Saleebaan ku sheegay in farqi u dhexeeyo Nuqulka Xeerka laga Ansixiyay Wakiilada ka guurtidu u soo gudbisay, waxa uu sheegay inaanu jirin wax qodobo ah oo laga bedelay marka laga reebo qodobo Madaxweynuhu dalbaday goluhuna dood ku taageray.

(Eeg digreetada

madaxweynaha ee halkan ku lifaaqan). Waxayna farqada labaad u qorantahay sidan:- “Haddii ay dhacdo in muwaadiniinta qaarkood ay suurtogeli weydo inay hore u soo qaataan warqada aqoonsiga muwaadinka waa in wasaaradda arrimaha guduhu ku sugto muwaadinimadooda goobta qaadashada kaadhka cod bixiyaha.

Qodobka 26aad

Qodobkan oo ah in sawir laga qaado indhaha muwaadinka marka uu isu diiwaangelinayo cod bixiyaha. Qodobkan baa keenaya baahida wax ka bedelka iyo kaabista xeer Lr. 37/2007, mudanayaashuna ku taageereen doodda mana jirto wax faraq ah oo u dhexeeya nuqulka goluhu ansixiyay iyo ka golaha guurtida loo gudbiyay.

Waxayna faqrada afraad ee qodobka 26aad u qorantahay sidan:- “Muwaadin kasta oo iska diiwaangelinaya komishanka doorashooyinka qaranka cod bixiye si sharciga waafaqsan waxa la raacayaa habka gaarka ah ee aqoonsiga cod bixiyaha (Unique Biometric identification) oo ah in sawir laga qaado insha muwaadinka.”

Qodobka 7aad, faqradiisa 2aad

Oo ka hadlaysa waajibka komishanka ka saaran kaydinta, xafidaada iyo soo saarista liiska kama dambaysta ah ee diiwaangelinta cod bixiyayaasha, malaha nuxur badan oo lagu murmo, marka laga reebo mudada la soo saarayo liiska kama dambaysta ah ee cod bixiyayaasha.

Qabyo qoraalkii xeerka ay xukuumadu soo gudbisay waxay ugu jirtay sidan:- “Liiska diiwaanka cod bixiyayaasha waxa soo saaraya komishanka doorashooyinka qaranka laba bilood ka hor xilliga doorashada.” (qodobka 26aad, faqrada 2aad) isla qabyo qoraalkaas waxa kale oo ku qoran qodobkiisa 7aad “Komishanku waa inuu furo diiwaangelinta cod bixiyayaasha muddo aan ka yarayn lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta , si kasta, si loo diiwaangeliyo cod bixiyayaasha cusub loona tirtiro cod bixiyayaashii hore loo diiwaangeliyay ee xeerku ka reebay in dib loo diiwanageliyo.”

Hase yeeshe doodii xildhibaanada arrintaas waxa ka mid ahayd in lix bilood gudahood ka hor doorashada la soo saaro liiska cod bixiyayaasha taas dambe ayaana ku soo baxday xeerka, waxase goluhu isla qaatay go’aan ka baxsan xeerka oo sheegaya in la qaato soo jeedintii guddiga arrimaha gudaha, waxa muuqata inaan la is waafajin go’aankaas isaga ah. Taas darteed farqada labaad ee qodobka 7aad waxay u qormaysaa “Komishanka waxa uu xil ka saaranyahay soo saarista liiska kama dambaysta ah ee diiwaangelinta cod bixiyayaasha ugu yaraan lix bilood ka hor maalinta doorasho kasta.”

Wixii wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay qodobada kale waxa la waafajiyay xeerka diiwaangelinta cod bixiyayaasha xeer Lr 37/2007 iyo lifaaqyadiisa xeerka jisniyada xeer Lr 22/2002, xeerka gobalada iyo degmooyinka oo dhammaan qodobada xeerkan ku jira ee ka horimanaya la waafajiyay.

Mudane Guddoomiye, iyadoo baahi weyn loo qabo ansixinta kaabista iyo wax ka bedelka xeer Lr 37/2007, waxaan rajaynaynaa in goluhu dhaqso uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Shir Jaraa’id oo uu Hargaysa ku qabtay ku sheegay in Gudoomiyaha Wakiiladu saxay khalad keenay khilaafka Golaha wakiilada oo ku jiray Xeerkii  diwaangalinta “Waxaa Illaahay mahadii ah kol haddii maanta uu soo Ururay khilaafkaasi oo Gudoomiyihii wakiilada, ahna Gudoomiyaha Waddani uu khaladkii Xafiiskiisa ka baxay saxay.waxaanu Ognahay in Gudoomiyuhu qodobadii la isku haystay ee la lahaa khalad baa ku jira ee rag baarlamaanka ka mid ahi ka dhega adaygeen waliba ku dareen gardaro iyo aflagaado badan inuu saxay,waanuna soo dhaweynaynaa,waxaanuna u aragnaa talaabo loo qaaday dhanka wanaagsan, waa intaynu umadda dheernahay,waana sida Somaliland ku soo caano maashay” ayuu yidhi Gudoomiye Muusue Biixi.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed