Nuxurka Qoddobada Burburka ku Keenay Shirkii Garowe Ee Fashilka Ku Dhammaaday
Garowe:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Shirkii Saddex geesoodka ahaa ee Magaalada Garowe uga socday Ra’isal wasaaraha Somalia iyo Madaxweyneyaasha Maamullada Jubba iyo Puntland, ayaa fashil ku dhammaaday, waxana dhinacyadu isla garan waayeen hannaanka xal looga gaadhi karo khilaafka taagan.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe qodobada la isku mari waayay waxaa ka mid ah: Guddiyada madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa gaashaanka ku dhuftay inay aqoonsadaan guddiyadaas, iyagoona ku doodaya inaanay xubno ku lahayn, sidaas darteedna la hareer maray dastuurka dalka oo caddeynaya in maamul goboleedyadu xubno ku lahaadaan guddiyada noocaan ah.
Arrimaha kale ee la isku mari waayay waxaa ka mid ah aqoonsiga maamulka Galmudug oo ay Dowladdu ka asaastay gobolada Mudug iyo Galgaduud, isla markaana dastuurkeedu dhigayo in gobolka Mudug oo qeyb ka mid ah Puntland maamusho lagu daray maamulka cusub.
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa u sheegay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in la tixgeliyo jiritaanka Puntland, taasi bedelkeedana la aqoonsado maamulka Galmudug.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in maanta lagu wado shirka saddex geesoodka ah inay go’aan rasmi ah ka soo saaraan saami qeybsiga maamul goboleedyada deeqaha ay Dowladda dhexe ka heleyso caalamka iyo qodobo kale.
Dhinaca kale kulanka ayaa laga soo saarayaa waxyaabihii ay ku heshiiyeen saddexda mas’uul, iyadoo lafilayo in la isugu yimaado kulamo kale si loo dhameeyo khilaafyada siyaasadeed ee hadheeyay maamulada federaaliga ah iyo dowladda dhexe.
SDN/QJ