Nuxurka Kulan Saddex Geesood ah Oo Maanta Jilbaha ay Is Dhigeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wakaaladda Biyaha iyo Xubno ka Tirsan Booyadleyda Hargeysa
Hargeysa:30-2013(SDN)-Daminta Xaaladdii Dhibka keentay ee ay ka Biyo Diideen Gaadiidleyda Hargeysa Biyaha u Dhaamisa ayaa haatan si Habsami leh uga socota Xarunta Wakaalada Biyaha Hargeysa.
Waxa Maanta Kulan albaabadu u xidhan yihiin Xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku Dhex Maray Shan Xubnood oo ka socda Gaadiidleyda Biyaha Magaalada U dhaamiya, Xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa.
Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin saxaafadduna Dibadda ka joogtay, ayaa lagaga wada hadlayey sidii loo sii anba qaadi lahaa wada hadaladii u dhexeeyey booyadaha biyaha ee ka hawl gala caasimada Hargeysa iyo masuuliyinta xukuumada ah ee arinta booyaduhu khusaysay, iyadoo kulankanna uu dabada ka riixayey wasiir warancadde oo isagu damiyey xiisadii ka dhalatay shaqo joojintii ay sameeyeen Booyada Magaalada Biyaha keenaa.
Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis oo markii uu kulankani dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa ka war bixiyey wixii laga wada hadlay kulankan waxaanu yidhi, “wasiirka arimaha gudaha iyo guddidii ka socday booyadihii shaqo joojinta sameeyey ayaanu xafiiskayaga ku kulanay taas oo maalintii hore balantu ahayd inay booyaduhu iska soo saaraan shan xubnood, kuwaas oo iska saaray anaguna dawlad ahaan intii hawshaas gali lahayd waanu isla garanay oo ay ka mid tahay wakaalada biyuhu, mida rasmiga ahina waxa weeyaan in hawshaas la dhamayn doono.”
Maareeyahah wakaalada biyaha Hargeysa oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray shacabka caasimada isaga oo sheegay in wada hadalada u dhaxeeya masuuliyiinta xukumada iyo guddida booyaha caasimadu uu guul ku soo dhamaan doono waxaana uu yidhi, “nimanka ay iska soo xuleen booyaduhuna waa rag odoyaal ah oo reer Hargeysa ah oo caruurtooda u tudhaya anagana xil ayaa naga saaray kolay waxbana isla diidi mayno dibna u dhici mayso wixii maalintii dhawayd dhacay, shacabkana waxaan leeyahay hawshaasi meel wanaagsan ayey maraysaa waanay dhamaan doontaa, si deg deg ahna way u dhamaan doontaa, waxaan leeyahay labada dhinac mid waliba xilka saran ayuu garanayaa oo waanu dhamayn doonaa hawshaas.”
Kulankan ayaa looga gel leeyahay sidii meel la isula dhigi lahaa cashuurta ay Booyadlaydu ka cabnayaan, taas ooh ore xukuumaddu waxba uga qaban weyday, balse markii uu wasiir warancadde arrinta galay si fudud ku dhamaatay, waxana u dhegtaagaya shacabka Iyagu ku nool Biyaha Booyaduhu keenaan ee aan helin biyo kale.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com