|

Nuxurka Kulan Lagu Kala Dhantaalayo Mooshinkii Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Xalay Saraakiisha iyo Taageerayaasha Xukuumaddu ku Yeesheen Villa Somalia

Muqdisho:May,06,2014(SDN/QJ)-Aqalka looga arrimiyo Somalia ayaa habeenkii xalay galay Mashquul xad-dhaaf ah, waxana Buux-dhaafiyey Saraakiish, culimada iyo taageerayaasha  sarsare ee Kooxda Xasan sheikh is looga hortago Badheedhaha kaga yimi dhinaca Baarlamaanka.

sosoShirarkan oo ilaa iyo Xalay goor dambe ka socday Madaxtooyada ayey saraakiisha iyo waxgaradka Xisbgiga Dam-jadiidku wax iskaga weydiinayeen Weerarka cusub ee Dhinaca Baarlamaanka kaga soo wajahan, waxana in badan la isla qaadaadhigay wixii laga yeeli lahaa tallaabada ay baarlamaanku madaxweynaha xilka kaga qaadayaan.

Ujeedka kulanka Dam-jadiid ayaa waxaa lagu sifeynayaa inuu yahay kala dhantaalida 130-ka Xildhibaan ee kasoo horjeedo Madaxweynaha kuna kulmay shalay Muqdisho iyo sidii looga hortagi lahaa Mooshinada suuragalka ah ee ka imankara dhanka Xildhibaanada.

Xaalada Siyaasadeed ee Somalia ayaa ah muddo laba maalin mid kacsan, waxaana soo ifbaxeysa in inta badan Muqdisho aysan ka socon Karin Siyaasada Dam-jadiid, iyadoona ay Xildhibaanada iyo Bulshaduba qirsantahay in DFS ee Xassan sheikh wadanka u horseeday Faqri iyo maciishada oo qaali ah halka wax waliba oo ganacsi ahna cirka isku sii shareeerayaan.

Shalay ayey ahayd markii xildhibaano tiro badan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Jawaari ay madaxweynaha si cad uga codsadeen inuu wax ka beddelo siyaasaddiisa, haddii kalena ay Mooshin xil-gudasho La’aan ah hor keeni doonaan Baarlamaanka.

Warwarka iyo  Walbahaarka ayaa haatan ku badan xukuumadda Xasan sheikh, waxana la  sugayaa tallaabadii tan xili lahayd ee ay xukuumadddu qaadi lahayd si ay u kasbato quluubta shacabka oo haatan si weyn uga soo horjeedda.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed