|

Nuxurka Kulan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Maanta La Yeeshay Wariyayaasha Ka Hawlgala Warbaahinta Dalka

Hargeysa:June,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta xarunta  Xisbigiisa kula yeeshay Wariyayaal ka Hawlgala Warbaahinta Kala duwan ee Dalka.

faysal caliKulankan oo ay ka soo qaybgaleen inta Badan wariyayaasha  madaxa Bannaan ee Hargeysa,  ka hawlgala, ayaa uu Guddoomiyuhu si mug leh ugu dhiirrigeliyey sidii ay maanka ugu hayn lahaayeen Arrimaha Qaddiyadda Somaliland iyo heerka ay taagan tahay.

Guddoomiyaha ayaa wariyayaasha halkaas ugu akhriyey Warsaxaafadeed ay soo direen  Waddamada Midawga yurub, Maraykanka iyo ingiriisku, kaas oo ay kaga Hadleen Arrimaha Deegaanada Sanaag-Bari iyo Sool-koonfureed, waxana uu warbaahinta ku adkeeyey inay si mug leh uga taxaddaraan  marka ay  ka warramayaan deegaanadaas oo ay  iska ilaaliyaan erayada cadowga ka farxinaya.

Waxa uu Faysal si buuxda ugu sheegay warbaahinta inay taageero buuxda oo niyadda ah siiyaan ciidamada furinta hore jooga ee difaacaya qaranimada dalka, isla-markaana ay qoraaladooda u isticmaalaan erayo ka farxinaya Ciidanka shacabkana ku abuuraya inay si buuxda ugu midoobaan Dagaalka lagula jiro nabad-diidka.

Guddoomiye Faysal waxa hadalkiisa si weyn u soo dhaweeyey Warbaahintii Halkaas iskugu timi, waxana ay kaga Fal-celiyeen Hawraarsan,  waxana ay ku  ballan ku qaadeen inay ka midho dhalin doonaan Waanada iyo wax u sheegga qiimaha leh uu u akhriyey.

Guddoomiye Faysal cali waraabe oo caan ku ah difaaca Qaddiyada Somaliland ayaa warbaahinta ka waaniyey inay ku mashquulaan kaftanka iyo dacaayadda siyaasadeed ee gudaha Somaliland ka jirta, balse ay muhiimadda siiyaan sidii ay difaaca dalkooda iyo dhiirrigelinta shacabkooda iyo ciidankooda qayb libaax uga qaadan lahaayeen.

Faysal cali waraabe waxa uu ugu dambayntii warbaahinta dalka ku adkeeyey inay iska ilaawaan kala fuquuqidda shacabka iyo siyaasiyiinta dalka, waxana tilmaamay inay inta Badan erayo ka farxinaya Cadawga Somaliland ay adeegsadaan Warbaahinta Dalka ka soo Baxdaa.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed