Nuxurka kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyeyaasha gobollada dalka
Hargeysa 05, June 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha gobollada dalka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu galabta soosaaray afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kulanka Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay guddoomiyeyaasha gobollada dalka waxay ujeedadiisu ahayd is xog-waraysi iyo dardar-gelinta hawsha ay qaranka ugu xilsaaran yihiin, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka oo Dhan, kulan oo ay ujeedadiisu tahay is xog-warsi iyo dar-dar gelinta Hawsha Qaran ee ay u xilsaaran yihiin.
Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada JSL, Mudane, Cabdicasiis Muxumed Samaale.
Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalku waxa ay ka warbixiyeen xaaladaha nabad-gelyada, Maamulka, iyo Kuwa ijtimaaciga ah ee Gobolada ay madaxda ka yihiin.
Warbixintaa dheer ka dib waxa uu madaxweynuhu badhasaabada dalka iyo wasaaradda Daakhligaba ku amaanay Doorka ay ku leeyihiin hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xil-gudashadoodaba, Madaxweynuhu waxa uu madaxdaas ku adkeeyey inay sii laban-laabaan adkaynta nabad-gelyada iyo feejignaanta ay kaga hortegayaan cid kasta oo wax u dhimi karta qaranka JSL.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com