|

Nuxurka Khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay Qaramada Midoobey

Sept 27,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbad ka jeediyay kulanka madaxda aduunku ku leeyihiin xarunta Qaramada midoobey ee New York.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo qaatay waxqabadkii dawladiisa mudadii sanadkii aheyd ee ay jirtay.

Waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh aya sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in gacan la siiyo oo aduun loogu deeqo sidii kooxaha xag jirka ah ee Shababaku ka mid yihiin dalka looga saari lahaa.

“Soomaaliya kama ay baxdeen KMG-nimadii hadaaney gacan ka helin Qaramada Midoobey iyo dalalka aduunka oo iskaayo garab taagay xili adag”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay in hawshu weli aaney dhamaan oo kooxaha Al Qaacida gacan saarka la lihi ay qas ka wadaan Gobolka.

Madaxweynaha ayaa canbaareeyay weerarkuu lagu qaaday Westgate oo uu ku tilmaamay”cadawtinimo iyo musiibo” weerarka oo Shabaab sheegatay ayuu sheegay in kooxdu daciiftay balse aan loo dhameyn.

“Saaxiibadayada waxaanu uga baahanahay qalab si aanu u dhameystirno hawsha aanu bilownay,ciidamada geesiyada ah ee Soomaaliyeed,kuwa AMISOM iyo Itoobiya waxa ay u baahan yihiin gacan qabad si ay ula wagaalamaan cadawgayaga.”ayuu madaxweynuhu ka yiri QM.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu si gaar ah u tilmaamay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin xoojin.

“Waxa loo baahan yahay maal gelin yar si hawlahaa loo dhameeyo,maalgashigaa oo kooban kolka la barbardhigo ka loo baahan doono mustaqbalka hadaan iminka xaalada wax laga qaban”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gunaanadkiina diirada saaray higsiga cusub”the new deal” oo ah barnaamij dhawaan qalinka lagu duugay oo reer Yurub ay gacan ku siinayaan Soomaaliya.

Barnaamijkan oo Brussels lagu sexeexay ayaa Soomaaliya gacan ka siin doona dhinacyada dhaqaalaha,siyaasada iyo dawlad wanaaga.

“Waxaanu u baahanahay in aanu wax kabedelo nolosha dadkayaga,dib aanu isu barano shacabkayaga aana kor u qaadno noloshooda”ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu intaa raaciyay in loo baahan yahay Barnaamijka”new deal” waa in uu wax qabad muuqdo la yimaada.

Ugu danbeyntiina Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijka cusub ee QM ee UNSOM in uu haatan la hawlgalo dawlada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda dunida ee khudbadaha ka jeedinaya todobaadkan xarunta QM ee New York.

SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed