|

Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Xuska 18 May

Hargaysa 18.May (SDN) Madaxweynaha Jsl,Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa Munaasibada Xuska Sanad Guurada Laba iyo Labaatanaad ee Madaxbanaanida Somaliland oo Lagu Qabtay Barxada Hore ee Xarunta Madaxtooyada Jsl,ayaa Khudbadiisii Munaasibadan,oo uu Halkaa ka Jeediyay ugu Gudbiyay Bulshada Somaliland Habalyo iyo Bogaadin,Isla Markaana ugu Baaqay inay isu tagaan Dib u dhiska iyo  Difaaca qaranimada Somaliland.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md.Saleebaan Mohamud Aadan,Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Md Cabdi-Raxmaan Mohamed Cabdilaahi,Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr.Yousuf Ismacil Cali,Madaxda Asxaabta Qaranka iyo Wufuud ka kala Socota Dalalka aynu Jaarka nahay ee Jabuuti iyo Ithoobiya ayaa Waxaa Halkaas Socod Gaado Ka Ciyaara Ku soo Maray Qaybaha kala Duwan ee Ciidamada Dalka, ee Kala Ah Ciidanka  Qaranka,Ciidanka Booliska,Ciidanka Asluubta,Iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Halkaas Oo Madaxweynihu kaga qaatay Salaan Sharaf.

Khudbada Munaasibada 18 May ee  Madaxweynuhu ka jeediyay fagaarahaas  waxa uu Kaga waramay Taariikhdii Somaliland U soo Martay La soo Noqoshadii Madaxbanaanideeda,Tacadiyadii iyo Xasuuqii Shacbiga Somaliland Ka soo Gaadhay Midnimadii Somalia iyo Halgankii hubaysnaa ee Dib u xoraynta Wadanka.

Madaxweynuhu waxa uu  Xusay in aan Somaliland Cidina Ku Dirqiyin Midowgii ay La Gashay Somaliya Balse uu Ku Yimi Rabitaanka Shacabkeeda,Isla Markaan Dib Ula soo Noqoshada Madaxbanaanida Somaliland ay tahay Masiir iyo aayo ka Tashi Ummadeed , Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray In Somaliland ay Dhidibada u Taagtay qaran ay U dhanyihiin Hay’adihiisa Dawliga ahi,iyadoo ay Hanaqaadeen Adeegyadii Bulshada.

Madaxweynaha Waxaa Hadalkiisii ka Mid ahaa “Xiligan oo aynu u dabaal degayno xornimada Somaliland, waxaan anigoo ah madaxweynaha Somaliland ugu baaqayaa bulshadda Somaliland ee ku kala sugan daafaha dunida inay u midoobaan xuska 22-guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, siday caawa daabacday mareegta SomalilandGov.

“Waxay bulshadda Somaliland u noqonaysaa xuskani fursad la yaableh oo isku keenaysa bulshada Somaliland. Meel kasta oo aad ka joogtaan adduunka waxaan idiin rajaynayaa wakhtigan la xusayo qaranimada Somaliland inaad soo xasuusataan walaalahiin. Taariikhda dalkeenu waxay 22-kii sanadood ee la soo dhaafay soo martay marxlado badan,”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland

.
“Dalkeenu waa jasiirad nabadoon oo maamul wanaag ka jiro oo ku yaalla Geeska Afrika,”ayuu sheegay Madaxweynuhu.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu shacbi weynaha Somaliland gudo iyo dibadba ku bogaadiyay munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu intaas raaciyay“Wada jirkeenu waxa uu keenayaa inaynu hagaajisano mustaqbalka oo horumarino dalkeena aynu dhammaanteen u han-weyn nahay,

Madaxweynuhu Waxa kale oo Qudbadaasi Kaga Hadlay Dedeelka Dawlada Somaliland Ugu Jirto Ka midho Dhalinta,Isagoo Sheegay inay Fagaarayaasha Beesha Caalamka ku Soo Bandhigeen Qadiyada Somaliland iyo Guulaha ay Gaadhay,Waxana Madaxweynuhu Shacabka Somaliland ugu Baaqay inay Isu taagaan dib u Dhiska Dalkooda iyo Difaaca  Qarnimada Somaliland ee Cadowgeeda.

 

Waxa kale oo Xuskan Guurada  Laba iyo Labaatanaad ee La soo Noqoshada Madaxbanaanida Somaliland ee ka Dhacday,Barxada Madaxtooyada Somaliland,Waxa Halkaasi Socod Ku soo Maray Qaybaha Kala duwan ee Ururada Bulshaxd  ardayda Dugsiyada,Shirkadaha Ganacigsiga iyo Hay’ada Dawlada.

Dhinaca Kale,wararka Naga Soo Gaadhaya Gobalada Dalka ayaa Sheegayan inay Si Habsami ugu Dhacday Guud ahaan Gobolada,Munaasibada Xuskan,iyadoo ay Kala qaateen Bulshada,Madaxda Gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed