Nuxurka Heshiis Shan Qoddob Ka Kooban Oo Laga Gaadhay Colaaddii Deegaanka Guriceel
Dhuusa-marreeb:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Kadib maalmo wada-hadallo, ayaa waxa heshiis laga gaadhay Colaaddii ka taagnayd Degmada Guri-ceel oo keentay dhimasho iyo barakac dadweyne.
Heshiiskan oo ah mid Ku-meelgaadh ah, ayaa waxa lagu kala saxeexday Qoddobo shan ah, waxana Goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo qayb muhim ah ka ahaa, iyadoo ay wehelinayeen Dadweyne kale iyo waxgaradka Deegaanku.
Heshiiskan ayaa labada dhinac ee xurguftu dhextaallay kala saxeedeen, kuwaas oo kala ahaa Culimada Ahlu-sunnah iyo Dawladda Soamlia.
Hoos ka akhri Heshiiska KMG ah oo ka kooban shan qodob oo kala ah.
1. Xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha labada dhinac
2. in la kala qaado labada ciidan ee dagaalamay inta wada-hadalku socdo muddo afar (4) casho gudahood ah.
3. in la furo wada-hadal muddo toban (10) bari gudahood ah oo ka bilaabata March 5, 2015 si xal rasmi ah loo gaadho.
4. In labada ciidan ku kala ekaadaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna joojiyaan gurmad ciidan, saanad IWM inta xal rasmi ah laga gaadhayo.
5. In dib loogu soo celiyo magaalada shacabkii dagaallada ku barakacay
Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Jen C/qaadir Shiikh Cali Diini oo Mathalayay dowladda, halka Shiikh Maxamed Shaakir Shiikh Xassan uu matahalayay Culumadda ahlu sunna, iyadoo ay goob joog ahaayeen Ugaas Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, Jen Maxamed Nuur Galaal, Caaqil Sulub Faarax Jaamac, Caaqil C/llaahi Geedi Shadoor, Ganacsade Maxamed Cabdulle Deelaaf & Ganacsade Yaasiin Shiikh Muxamed Shiikh C/raxmaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com