Nuxurka heshiis 7 qodob ah oo dhexmaray wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo guddiga Wanaag-farista
Hargeysa 26, May 2012 (Qurbejoog.com)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo guddiga Wanaag-farista iyo xumaan-reebista, ayaa shaaciyay heshiis ay is wadajir ah u gaadheen.
Heshiiskan oo 7 qodob ka kooban, waxa uu ka tarjumayaa sidii ay labada dhinac wadajir uga wadashaqayn lahaayeen arrimaha bulshada dhexdeeda, sida fududaynta guurka iyo sidii kharashka ku baxa loo dhimi lahaa, xoojinta amaanka iyo la-dagaalanka dhaqan-xumada, wuxuuna heshiiskan dhexmaray u dhigna sidan;
1-In wadajir loo dardar geliyo hawsha xumaan-reebista iyo wanaag Farista.
2-In xumaha soo kordhaya wax laga qabto, iyadoo la kaashanayo wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland
3-In la dhiirigeliyo sidii kharashka ku baxa guurka hoos loogu dhigi lahaa, dhalinyaradana loogu fududayn lahaa guurka.
4-In cidii aflagaadaysa diinteena Suuban lagu rido xadhig aan cafis lahayn.
5-In warbaahinta qaranka laga joojiyo wixii dhaqan-xumo faafinaya, cabashaooyinka dhinaca dhaqankana wax laga qabto.
6-In bishii hal mar labadda dhinac shir uga wada yeeshaan wixii u qabsmooay iyo wixii ka qabyo ah.
7-In kaalin wax-ku-ool ah laga qaato hawlaha nabadaynta iyo nabadgalyadda umadda dhexdeeda.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com