|

Nuxurka Dagaal Gacan-ka-hadal ah Oo Dhexmaray Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Xildhibaan Xasan Cawaale

Hargeysa:Jully,02,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay madaxtooyada somaliland, waxa dagaal gacan-ka-hadal ahi goor dhaweyd ka dhex qarxay Taliyaha Ciidamada ilaalada madaxtooyada Gaashaanle sare Axmed Cali Maygaag iyo Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo katirsan Mudanayaasha Aqalka wakiillada.

GANOGacan-ka-hadalkan oo markii dambe dagaal isku beddelay, ayaa yimi markii xildhibaanka laga hor istaagay inuu hore u galo xarunta Madaxtoyada, waxana labada masuul isku afdhaafeen barxadda Weyn ee Xarunta madaxtooyada.

Buuq iyo qaylo badan  oo isku dhicii labada masuul ka dhashalatay, ayaa Gudaha madaxtooyada laga dareemay, waxana gebi ahaanba meeshaas laga soo dareeriyey Dad tiro badan oo muraaddo kala duwan u lahaa xarunta madaxtooyada.

Sida uu qurbejoog.com u xaqiijiyey mid kamid ah dadkii barxadda madaxtooyada ku sugnaa ee buuqa dhacay dartii halkaas looga soo saaray, waxa  labada masuul dhexmartay dood dheer oo la xidhiidha gelitaanka Gudaha hore ee Madaxtooyada, waxana xildhibaanku aad uga cadhooday diido uu taliyuhu ka muujiyey inuu si dhibyar halkaas u galo, inkastoo aan hadalkooda si rasmi ah loo maqlaynin marka hore haddana waxa muuqatay inuu xildhibaanku codsaday in Gelitaankiisa la dedejiyo, taasna uu taliyuhu ka diiday.

Xildhibaanka, ayaa Halkaas cadho kaga baxay, waxana taliyuhu ku amray inuu buuqa kala baxo barxadda, isla-markaana uu isagu leeyahay masuuliyadda cidda  gelaysa xarunta madaxtooyada.

Inta Badan Xildhibaanada xasaanadda huwan ayaa caado u leh inaanay gelin safafka loogu jiro goobaha ay danta u yeeshaan sida madaxtooyada oo kale, waxana ku adag inay ixtiraamaan dadka ay goobahaas ugu yimaaddaan ee kasoo horreeyey, waxana la filayaa inay arrintani taas la xidhiidho.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed