|

NUSOJ oo ku baaqday in Si Shuruud La’aan loo Sii Daayo Labo weriye oo Muqdisho iyo Berbera ku kala Xiran, Kuna Baaqday in la ilaaliyo Xorriyada Saxaafadda

Muqdisho, April 3, 2015(SDN/QJ)-Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaaraayay xarigyo is xig-xiga oo labo weriye xabsiyada Muqdisho iyo Berbera loogu taxaabay maalmihii Talaada iyo Arbacada ee la soo dhaafay, iyadoo ururku ku baaqay in bilaa shuruud wariyayaasha lagu sii daayo, laguna ixtiraamo weriyayaasha howsha adag ee naf hurnimada ah ee ay ugu adeegayaan Shacabka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Federalka ah in si deg deg ah loo sii daayo weriye Cabdifatax Xasan Kalgacal oo subaxnimadii Talaadada, 31 March 2015 ay ciidamada Booliska gurigiisa ka soo kaxeysteen, iyadoo loo gudbiyay Xarunta dembi baarista oo maalintii Saddexaad uu ku xiran yahay, iyadoo laamaha amniga weli aanay ka hadal arrinta weriyaha iyo sababaha loo soo xiray toona.

Weriye Kalgacal waxa uu ahaa weriyaha Baarlamaanka uga soo warama Idaacadda Goobjoog, isla markaana ah weriyaha keli ah ee isagoo “indho la’aan ah” xirfadda warbaahinta ugu shaqeeya si waafaqsan Anshaxa Saxaafada.

“Weriye Kalgacal waxa uu xabsiga ku jiraa maalintii sadexaad, Iyadoo sabab uu xiran yahayna aanu boolisku caddeynin,” Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa intaa ku daray, “Weriye Kalgacal waa weriye ku dhiiraday in isagooI indho la’aan ah uu Shacabka ugu shaqeeyo mihnaddan xanuunka badan, sidaasi darteed, Ciidamada Boolisku waan ognahay shaqo aad u adag ayay Shacabka Soomaaliyeed u hayaan, balse xarrigga weriye Kalgacal muuqaal aan wanaagsaneyn ayuu ifinayaa.

Dhanka kale, Policeka degmada Berbera ayaa xabsiga u taxaabay maalintii shalay 01 July, 2015 weriye Axmed Siciid Maxamed oo ah wariyihii Kalsan Tv Ee Berbera, waxaana maanta maxkamada degmada Berbera ay amartay in 7 maalmood lagu hayo xabsiga. Weriyaha ayaa loo xiray warbixin la xiriirta ismaandhaaf soo kala dhex galay maamulka dekedda iyo wasaariyadda Maaliyadda, taasoo weriyuhu ifiyay dulduleelada iyo habaca meesha jiray.

“In la iska xiro weriye gudanaya waajibkiisa saxafinimo ee ah in uu bulshada wargeliyo, waxay xad gudub ku tahay dastuurka Somaliland, Kan dowladda Federalka iyo heshiisyada heer gobol iyo heer caalami ee damaanad qaadaya xorriyadda hadalka oo ay Somalia qeyb ka tahay,” Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa yiri, isagoo ku baaqay in ay weriye Axmed Siciid xorriyaddiisa si shuruud la’aan ah loogu soo celiyo, lagana daayo weriyayaasha xarrigyada aan loo meel deyin ee looga gol leeyahay in lagu caburiyo xorriyada Saxaafada, dhanka kalena lagu khalkhal gelinayo suxufiyiinta.

Comments are closed