|

Norway Oo Kala Fogaysay Hooyo Somaliyeed Iyo Ilmo Carruur ah Oo ay Dhashay

Oslo:Nov,05,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Norway ayaa ku dhaqaaqday dhacdo ay ka naxeen Malaayiin soomaali ahi, kadib markii ay Hooyo somaliyeed oo dalkaas ku Nool ku xukuntay inay dalka iskaga Baxdo, balse Ilmo ay dhashay ay iska ilaawi doonto.

baadigKiiskan ayaa kamid noqday Kiisaska ugu hadal haynta Badan dalkaasi, waxana ka yaabay dadkii dhegahooda uu gaadhay oo dhan.

Hooyo Soomaaliyeed oo Kaam kaga jirta waqooyiga dalka Norway waliba dalkan joogtay mudo sanad iyo badh ah ayaa waxaa loo sheegay in la siiyay diidmadii ugu dambeeysay (Negative) waliba dib loo celinayo halka gabadh yar oo ay dalka ku dhashay la siiyay sharciga degnaanshaha, waxaana hooyadan Warqad kama dambeys ah u soo dirtay (UDI) The Directorate of Immigration .

Arinta ugu yaabka badan iyo qeyb ka mid ah warqadan ayaa waxaa ku qornaa sidatan, “Hooyadu ha baxdo gabadha yarna ha joogto ” . Qaar badan oo ka mid ah Hay´adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Norway ayaa waxaa u cuntami weyday hadalka ka soo yeedhay The Directorate of Immigration (UDI) waxeyna dowlada Norway ka codsadeen in sharciga si deg deg ah lagu siiyo hooyadan Soomaaliyeed maadaama gabadha yar ee ugu dhalatay dalka Norway loo ogolaaday sharciga dhanka degnaanshaha ah .

Dalka Norway, ayaa waxa uu kamid yahay dalalka ugu badan ee somalida deggen lagaga qaado Carruurta ay dhalaan, waxase kiiskani noqday mid ay liqi kari waayeen dadka soomaalida ah ee Yurub Deggen oo dhami.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed