Norway: Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ku geeriyooday magaalada Oslo
Oslo 01, October 2012 (SDN)- Alle haw naxariistee waxa xalay ku geeriyooday dalka Norway abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo in muddo ahba ku xanuunsanayay dalkaas.
Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) waxa uu ka mid ahaa abwaanada caanka ka ah dhulka Soomaalidu degto, wuxuuna ka mid ahaa bareyaasha jaamacaddaha Hargeysa iyo Camuud ee Somaliland.
Marxuum Gaariye, waxa uu muddo dheer ku soo jiray bahda Suugaanta Soomaaliyeed, iyo sidoo kale bahda waxbarashada Soomaaliya.
Dhimashada Abwaan Gaariye, waxa shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com u xaqiijiyay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Norway ee Oslo.
Alle haw naxariistee, marxuumku waxa uu muddooyinkii u dambeeyay xanuun sida la sheegay dhinaca Kelyaha ah u jiifay magaalada Oslo ee dalka Norway.
Inaalilaahi wa inaa ilahayhi raacijuun.
Qurbejoog.com, Oslo