Nolosheena iyo cawaaqibta adag ee ragaadisay Qoyskeena Somali ahaan?
Sedee ayeynu ugu dul noolnahay caalam weynaha ulana noolnahayna Qeyskeena?
Run ahaantii waa su’aal is huwan marka laga hadlayo nolol waa inay Maskaxdeenu meelo badan ka fekertaa.
Noloshu waa waxa ugu qaalisan ee Alleh SWT inoogu deeqay, waayo marka ugu horreysa ee dhanka Alleh laguu celiyo kii kuugu jeclaa ee qoyskaaga ayaa odhanaya Inaga dedegiya oo hore inooga aasa Subxana’Allh,
Nolol adag oo cidhiidhi ah ayeynu badi ahaan ku noolnahay, sabab kastiba ha keentee.
Waxa aan si kor mar ah u sheegi cawaaqib ina haysta Qoysaskeenana Falaagiyey kana dhigay qoys dunsan!
Xaqiiqatan Markaan isku fiirino Nolosha aynu kula dhaqano Qoyska iyo Noloshii Nabi Muxammed kula dhaqmi jiray Qoyskiisa laba isku dhaw maaha,
Cakirnaanta iyo diiqada Nolosha Qeyskeena waxaa kaw ka Mas’uul ah Aabaha oo Heerkiisii Nolol la qeybsi ee Qoyska gabay, inbadan oo Aaboyaal ah ayaan Ka war hayn Amaba bilo is arkin Ilmihiisa uu dhalay, taasoo keenta inuu Ilmihii yaraa Humaagiisa raaco oo uu Noqdo mid cidlo ku nool.
U fiirso qoysas badan oo Somali ah, Aabaha iyo Hoyada markay wada joogaan dhalaankuna la joogaan wajigooda Cadho iyo isku af taagid ayaad ka dareemi kartaa, wiilka ama gabadha ay dhaleen ee arkaysa xaalkaas qalbigeeda dhaawac ayaa soo gaadhaya, Noloshana wey hiifayaan.
Waxaa si xun Qiyska Somaliyed u kala dilay Mukhadaraadka kala duwan uguna horreeyo QAADKU oo ah maan dooriyaha Somali facood ka reebay, Jahawareerka iyo Nolol xumada ku keenay.
Wey jiraan Qosas wanaagsan oo la tacaala noloshooda lakin waxaa qarqiyey nolosha lagula noolyahay hareerahooda oo noqotey badi ahaab sida aynu u nool nahay.
Waa mid jirta inaanay warbaahintu sidii loogu talo galay ama loo baahnaa uga dhaadhiciso dadkeena waana ta igu kaliftey inaan Mawduucan iyo Mawduucyo kale ka hadlo oon fekwrkayga idiin Soo ban dhigo… Asc.
Mahad J Maxamuud
Mahadguleid@hotmail.co.uk
Hargeisa.