Nolosha,Iyo Balaysinka Fanka ee Jilaaga Caanka ah ee Boon Xirsi Qosolka Iyo Maada DAAWO
Hargaysa 26.Aug 2014 (SDN/QJ)- Jilaaga caanka,Abwaankana ah Boon Xirsi ayaa ka waramay Sooyaalkiisa faneed iyo markii ugu horeysay ee uu Haasaawaha bilaabay, isla markaana uu is ogaaday inuu wax curin karo.
Abwaan Boon Xirsi waxa uu ka sheekaynayaa Qiso soo dhex-martay Bisad ay saaxiibo isku dheer ahaayeen, taasoo ay waayo badan soo wada qaateen, iyo weliba jacayl haleelay, Heeso uu sameeyay iyo arrimo kale oo tira baddan.
Hadaba Waxay Shabakada Qurbejoog.com akhristayaasheeda iyo daawadayaasheeda halkan ugu soo gudbinaysa Barmaanijka Suugaanta ee la yidhaahdo “Madasha Hal-buurka” oo ka baxa Telefiishanka Qaranka Somaliland, kaas oo uu daadaheeyo Suxufiga ruug-cadaaga Xuseen Cabdilaahi Deeqsi.