NISA o bartilaansatay shaqaalaha Hormuud
Muqdisho January 15, 2024 (QJ) – Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay faah faahin ka bixisay sababta ka dambeysay falkii ay kula kacday qaar ka mid ah Saraakiisha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee ku sugan Xarunta ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Hay’adda NISA, Hay’adda ayaa heshay codsi uga yimid Shirkadda, oo ay ku dalbatay in laga caawiyo wax ka qabashada arrimaha la xiriira amniga. Baaritaan ay sameysay NISA ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah shaqaalaha Hormuud ay gacan saar la leeyihiin kooxaha argagixisada ah.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in Hormuud ay ka codsadeen in ay joojiso lacagaha sida sharci darada ah loogu wareejinayo iyo isticmaalka adeega EVC sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerka 3-aad ee NISA. Si kastaba ha ahaatee, Hormuud waa ay diiday in ay u hoggaansanto codsiyadaas.
Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay diiday waajibaadkii ka saarnaa gudashada waajibaadkeeda Qaran, isla markaana diiday inay la shaqeyso, kana jawaabto su’aalihii loo soo diray, waxaana lagu eedeeyay inay khiyaaneyso shacabka. NISA ayaa xustay in iyaga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ay qaar ka mid ah shaqaalaha Hormuud ku dhaqaaqeen falal ka baxsan sharciga, taasoo keentay in NISA ay tallaabo ka qaado.