Ninkii Sugayay iyo Ninkii kalaba Xukuumada Siilaanyo Gabalkeedii wuu dhacey, Wixii aduun,anfac iyo agab wadanka ka maqana iyaga ayey ku maqan tahay oo ku gafanoobey
Bilow-geenu waa Bisinka iyo Saliga iyo Tabaariga iyo Tiirarka adag ee Eebe! Waa taxanaheenii iyo tusbax furkeenii tusamada ahaa ee tusaaleynta ahaa ee dul marka,iyo duur xulka ahaa ee digniinta iyo durniinka ahaa ee qaawinaayey Xukuumadeena Demen ,Dul-yar, Danbas iyo Digo badan iyo hawl-wadeenadeeda qaarkood gaar ahaan kuwa qiyaameeyey qaranka ee qorsheystey qalin kuxadka iyo qandaraasyada qarsoon iyo qaleylkii ay ku qeybsan lahaayeen Mancafacii, Maalkii, Moodkii, Magantii iyo Mooradii ummadda oo dhan ka dhaxeeyey.Waa qormooyinkeenii qeexaayey ee naqdiyaayey kuwa loo xanbaariyey xilalka aaney qaadi karin ee aaney xaqa, xeegaanka iyo xirfada ulaheyn ee aan hadana laheyn hadafka cad, hiyiga, higsiga iyo hilaada durugsan,sahanka iyo saadaasha dheer, Odoroska, arinka iyo aragtida fog, ee dawladnimada uyaqaana kula lihi oo kaa lihi, ku daneyso oo ka daneyso iyo Daas-nin leeyahay,
Bal eega kuwa Degel meerka ah ee daris kunoosha ah ee gadaal dhaladka ah ee mansabka ku shaqeysta ee ku xoogsada ee usoo tafaxaytey in ay wadanka ka dhaansadaan dhiilahooda gorofta ah ee aan laheyn lingaxa, asalka, car tirka iyo cidaadka ee goostey in aaney ummadda udheelman,udhurin, udhididin udhafrin una-dhaamin.Waa qormooyinkeenii qalaxaayey ee qoofalaayey ee qod-baayey kuwa kursiga ku-ugaadhsada ee shebekadaha iyo dabinada daadsadey baddaha ilaa beriga Shidaal baadhista,D/hoose ilaa Howlaha Guud, Madaxtooyada ilaa iyo Dekeda Berbera, kuwaas oo wada ah dulugleyaal ku malabsada dus duska, luf lufka, af-dhuunyaaleynta iyo dhiigii iyo dheeftii ummadda baahan, kuwaas oo ay ka go’an tahay in ay mar kasta dha-dhamo ay dheecaan siistaan, maa daama ay dalqada indho ku leeyihiin Xukuumadii dabri lahaydna ay lafo toobin ku hayso oo ay gacan wadaag togan leeyihiin.
Waa qormooyinkeenii dad banaa ee afmaldhaha ahaa,duur xulka iyo digniinta ahaa ee uquus goynaayey kuwa noqdey dhadhan raaca iyo dhuuni raaca ee hadana noqdey hayb raaca iyo isir raaca ee dayacey hawlihii loo igmadey ee dhaariyey ee ummadda ay wakiilka uga ahaayeen.Waa qormooyinkeenii qaawinaayey ee duraayey kuwa miliqsanaaya ee miciyaha lisanaaya ee macal cuneyaasha ah ee hadana qaldhabaaya ee qawdhamaaya ee Madaxtooyada ku qamaa maaya ee ku weyraxaaya ee ku-gadoodaaya sidii ay xoolihii ummadda ugu sameysan lahaayeen xidaaro qarsoon iyo xeedhooyin gun’la. Waa qormooyinkeenii uquus goynaayey kuwa soo toshey kiishashka ka dhaadheer ee afkoodu taxan yahay Dekeda Berbera dabadooduna ku taalo xeyndaabka Madaxtooyada ilaa iyo Xawaaladaha London “bal-waa yaabe, talow yaa buuxin karaaya!! “
Waa Qormooyinkeenii uduur xulaayey kuwa halaan halka iyo horyaaleysiga nafta moodey markii Miisaaniyadii ay odoroseen ay yeelan weydey Tashiil, Taxliil iyo Turuq ee dhexroorkii, dhextaalkii iyo miisaankiiba ka lumey ee laga waayey xaqdhawr, xaqsoor, xishmad, xaliibnaan iyo xisaabtan.Waa qormooyinkeenii qawla-leynaayey ee qodbaayey kuwa ku hadra hadalka turxaanta iyo tumaatida badan, hawraarta iyo tiraabta naxliga huwan iyo kuwa ka haajirey diintii, hidihii iyo dhaqankeenii suubanaa ee had iyo goor warbaahinta kaga hugma ee kaga hadaaqa hadalada aan hilaabneyn ee aan hano qaadka aheyn ee aan mariimneyn ee aan macnaha badan laheyn, kuwaas oo ubadan Caaqilo laakiin hada caagleyaal la magac baxey.Waa qormoyinkeenii udiraayey digniinta culus damiirlaaweyaasha dilaaliinta ah ee qalbiga ka lingaxan ee u fududeeyey qawleysatadan xukunka haleeshay in qusum iyo qoon lagu qaybsado hantidii ma guuraanka aheyd ee ummadda udhaxeysey kuwaas oo iyaguna ku mamay futeynta, fagista, fiiqsiga, fadhateysiga iyo ku tagri falka hantidii iyo asadkii ummaddeena baahan ee debedyaalka u ah danyarnimada iyo dacdarada dabeecadaha is barkan wax loogu qaban lahaa.Waa qormooyinkeenii diidanaa in qar qarsi iyo qoor qabad lagu urursado cashuur aaney danyarteenu qaadi kareyn si dhiigii iyo dheecaankii shacabkan tabaaleysan looga dhigto qurbaan,qadhiidh, iyo qudh-qudho joogto ah.
Guntii iyoo Gebagebadii qorman maanta oo 4 sanadood ay udhamaatey xukuumada Siilaanyo markii diirad iyo daraasad cilmiyeysan lagu sameeyey waxay shacabkii codkooda kartidooda iyo garashadooda ku doortey ay isku raaceen in ay ka iibisey Digo iyo Danbas huursan , maadaama aaney ummadda tusi karin karti buuxda iyo tusaaleyaasha ( indicators ) tusaaya shacabweynaha in ay wax waliba ku socdaan tubtii toosneyd ee loogu talo galey. Waana iyaga iyo Allahood !!
Alleh ayaa mahad leh
Wa-laahum-Aclum .Wa-bilaahi -Towfiiq.
Qalinkii A/Rahman Fidhinle
Qoraa – Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London