|

Ninkii Saddexaad Oo Ka Mid ahaa Dadkii Sirdoonka Somalia Ku Eedeeyey Inay Is Qarxinayaan Oo Beeniyey Wararka Laga Sheegay

Muqdisho:June,23,2014(SDN/QJ)-Kadib markii ay Ciidamada Sirdoonka Somalia dhawaan baahiyeen Magacyo  iyo Telefoono Rag ay sheegeen inay is qarxinayaan, ayaa waxa isa soo taraya falcelinta ka imanaysa dadkii lahaa Numberrada la baahiyey oo Beeninaya inaanay arrimhaas ku lug lahayn.

buigniMaalintii shalay waxa Warka Ciidamada sirfoonka beeniyey oo  iska Diiday Muwaadin Soomaaliyeed oo Magaciia ku sheegay Cali Muxamed Afrax, waxana uu tilmaamay inaanu wax lug ah ku lahayn wararka ay xukuumaddu baahisay oo aanay ka fiirsan baahinta warkaas.

 

Cali waxa uu sheegay inaanu waligii ku fikirin inuu is qarxiyo, isla-markaana aanu shabaab iyo xukuumadda midna u shaqaynin oo aanu wax xidhiidh ah la yeelan.

Cali oo la hadlay Idaacada VOA-da, ayaa wuxuu sheegay inuu yahay nin farsamo yaqaano ah oo si iskii ah iskaga shaqaynsta, noloshiisana kala soo baxa muruqiisa.

Ninkan ayaa noqonaaya kii 3-aad oo si xoogan u beeniya war ka soo baxay Booliska, oo sheegaaya in 10 nin oo 3-dan nin ku jiraan ay maleeygayaan qaraxyo ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

 

Booliska Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu Jimcihii sheegay in ilaa 10 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ay gudaha u soo galeen Magaalada Muqdisho, si ay qaraxyo uga geystaan Caasimada.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed