|

“Ninkii Noogu Kursiga Jeclaa Ee Cali Warancadde Kursigii Wuu Ka Kacay, Saylicina…” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Laascaanood, 23 August, 2016-(SDN/QJ): – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Gogoshii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE ku baaqi jireen inay u fidiyeen Dadka reer Sool oo ay Mucaarad ahaan ku dawakheen halkay gogoshaasi taallo ay hadda ogaadeen, isla markaana taallo Adhi-caddeeye iyo Burco.
Faysal Cali WaraabeWaxa uu Faysal Cali Waraabe ku dooday in talo uu in badan soo jeediyey oo la xidhiidhay in Kuraasta muhiimka ah wax laga siiyo dadka gobollada Bariga ay hadda muuqato inay bilaabantay, isla markaana Ninkii Somaliland ugu Kursiga jeclaa oo uu ku tilmaamay Cali Maxamed Waran-cadde uu ka kacay Kursigii uu ku fadhiyey ee Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha oo toddobaadkii hore Madaxweynuhu u magacaabay Masuul gobolka Sool ka soo jeeda, taasina muujin karto in Saylicina ka kici doono kursiga Madaxweyne Ku-xigeenka dalka haddii isfahamku sii ballaadho.
Guddoomiyaha UCID, waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad loo sameeyey bilawga diiwaangelinta gobolka Sool oo Axaddii Shalay lagu qabtay magaalada Laascaanood, waxaanu yidhi; “Gogoshii Nabadda ee KULMIYE ee meel ay taallo aannu garan waynay aakhirataankii waxay fadhiisatay Adhi-caddeeye. Halkaas waxa ku hadhaysa waar Siilaanyo halkuu dhigay gogosha? Ee aannu odhan jirnay, markaa Siilaanyo Adhicaddeeye ayuu dhigay tii lagu dhammaystirayeyna wuxu dhigay Burco, halkaas ayeynu dib ugu heshiinaynaa 1991-kii baynu ka soo bilaabaynaa, Iiddoorkii waxaannu leenahay talada dhulka dhiga way dhigayaan, reer Awdaloow dhiga, qoladayadaa hore u haysay hadhigaan baannu leenahay, taas ayeynu wax ku noqonaynaa.”
“Annagu haddaannu nahay Mucaaradka, kama naxno wanaagga kolba cidda Kursiga fuushani qabato, Madaxweynaha iyo Xisbigiisa waannu la dhammaystiraynaa hawshaa, qabyada ka hadhana annagaa dhammaystiri doonna, waa arrin Qaran. Walaallayaal dib baad u hadheen, maanta inanka jooga Boocame iyo inanka Saylac joogaa way kala tacliin badan yihiin,nabaddu waxay ka bilaabantay Galbeed, oo sidii nabadda iyo wanaagga loo kala hor-qaatay ayaa loo kala aqoon badan yahay.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal oo la sii hadlaya dadka reer Sool waxa uu hadalkiisa ku soo koobay; “Hore in badan baan ugu dhawaaqay oo aan idhi waa in Kuraasida laga kacaa, waxaanad ogtihiin Ninkii noogu Kursiga jeclaa ee Cali Waran-cadde Kursigii wuu ka kacay, taasi waxay ku tusaysaa in hadduu doono Saylicina ka kici doono. Markaa, Qoys baynu nahay, waxaanannu jecelnahay inaynu wax walba qaybsanno, aayaha carruurteennana ka wada talinno.”

Comments are closed