|

“Ninkii Indhaha Ka Xidhay Tobankii Wadaad Ee Siyaad Barre Dilay, Yurub Buu Ku Nool Yahay, Indhuhuu Ka Jirran Yahay..” Sheekh Daahir Aw Cabdi

Hargaysa 24.Aug 2016 (SDN/QJ):-Mid ka mid ah Shuyuukhda Soomaalida, ayaa sheegay in laga digtoonaado in dadka Soomaalida dhaqan looga dhigo, wax ka hor imanaya Diinta Islaamka, isla markaana wuxuu ka sheekeeyay arrimo la xidhiidha waxyaabo hore u soo dhacay oo ka hor imanayay diinta, balse aan ka soconin soomaalida dhexdeeda. Qaybo hadalkaa sheekhaa ka mid ahina waxay u dhacayeen sidan;

Sheekh Daahir Aw Cabdi“Nimankaasi hadaladay meesha ka sheegayaan wax nagu cusub maaha,ninkii la odhan jiray salmaan Rushdi oo hindi ahaa wuxuu alifay kitaab la yidhaa Ayaatu Shaydaaniya sideetanaddii, waxa kale oo sanadahaa soo baxay nin la yidhaahdo Maxamuud Maxamed Daahe waxaanuu ka soo baxay Suudaan, wuxuu diiday aayaadkii maddaniga, Makiggaa asal ah buu yidhi, wuxuu diidayaa xijaabka ama sharciga oo dhan. Waxa kale oo aynu ognahay Maxamed siyaad barre inuu ka hor yimi aayaad dhan, rubuc, sudus, jinni, hadaladdiisii waa duuban yihiin isagana, waa dhinteen ninna ma noolla hadda, toban sheekh baa ka hor tegay, tobankaa sheekh ilaahay bay ugu dhawaadeen, ilaahayna umadda soomaaliyeed waa ku badbaadiayay, diinta aad maanta haysataan fadliga alle bacda laah tobankaa sheekh dhiigoodii baa lahaa, ka hor tegay.
Mar baan ramadaan aakhirkeedii waxoogaa tacliiqa ah oo aan ku samaynayay ku soo qaaday tobankaa wadaad, markaa nin yurub ka yimi baa nin kale u waramay, wuxuu yidhi markii tiirka la geeyay tobanka wadaad ee indhaha laga xidhayay, ayaa ninkii ugu odaysanaa wuxuu ku yidhi, waxaan aan u malaynayaa ma sheekh Muuse, sababtoo ah labaan anigu ka aqaanay, Sheekh Muuse oo sheekhayagii ah iyo sheekhii Burco ka yimi sh. Axmed, sheekh Axmed markaa wuu ka da’ yaraa, Sh. Muuse ayaan markaa u malaynayaa inuu yahay, markii la xidhayay ayuu ku yidhi, waar ninyahow indhaha ha iga xidhin wax baan arkayaaye, waxaan is idhi ma malaa’igtii buu arkayay, ninkii waa diiday oo waa xidhay, yurub buu hadda ku nool yahay, indhuhuu ka jiran yahay, hadduu hurdo iyo haddii kaleba indhuhuu sidaa leeyahay, dadkii baa waydiiyay oo ku yidhi maxaa kugu dhacay? wuxuu yidhi, ninkaasaa igu yidhi indhaha ha iga xidhin, wax baan arkayaaye, markii aan diiday aan xidhay baan bilaabay indha xanuunka.”

Comments are closed