|

Ninkii Gubay xaaskiisa oo xukun dil ah lagu riday

Muqdisho March 06, 2024(QJ) -Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil ah ku riday Sayid Cali Macalin Daa,uud oo horay u dilay xaaskiisii Marxuumad Luul C/casiis.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Eedeysanaha lagu helay inuu si bareer ah u gubay Xaaskiisa, isagoo ku sababeeyay cadeymaha lagu soo uruuriyay kiiska.

Xukunka lagu riday Sayid Cali Macalin oo soo maray heerar kala duwan, ayaa waxaa soo dhaweeyay qoyska ay ka soo jeedey marxuumad Luul C/casiis Maxamed.

Dhinaca kale Qoyska iyo Ehelada ninka la xukumay ayaa sheegay in ay si weyn uga soo horjeedaan Xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay maanta ku riday Wiilkooda.

Waxay walaac ka muujiyeen in go’aanka maxkamadda ay saameyn ku yeelatay cadaadis iyo farogelin dibadda ah, maadaama ay rumeysan yihiin in Sayid Cali si qaldan loogu xukumay inuu dilay xaaskiisa, waxayna wacad ku mareen inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka.

Comments are closed