|

Ninkii Gowracay Wariye James Foley Oo Noqday Heesaa u Dhashay Dalka Britain

London:Aug,26,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Sirdoonka Waddanka Britain oo si weyn ugu hawllanaa sidii ay u ogaan lahaayeen ninkii gawracay Wariye James Foley  ayaa haatan natiijadoodu si hoose u soo baxday.

hibiWar ay warbaahintu heshay oo uu Bixiyey Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Ingiriisku  ayaa lagu sheegay in  ninka Gawraca samaynayey oo  ku Hadlayey lahjadda Briishku uu noqday Heesaa hore oo caan ahaa, kaas oo u dhashay dalka Britain.

Heesaagan ayaa magaciisa lagu sheegay Majed Abdel Bary, kaas oo hadal kooban lahjadda ingiriisiga ku jeediyey kahor intii aanu gawracin Wariyahan.

Sida ay ku warantay Wakaaladda Sunday Times Newspaper oo xarunteedu tahay  London,waxa ay Majaladani warbixinteeda ka soo xigatay Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda BIS ee Sirdoonka dalka Ingiriiska kaasi oo cod saday in aan magaciisa la sheegin,waxana Sarkaalkani  uu wargeyska UK ka soo baxa uu u sheegay in ninka looga shakisan yahay in uu madaxa ka jaray Suxufiga reer Mareykan ee James Foley in uu yahay Heesa ku caan ah qoobka ciyaarka laguna magacaabo Bary balse hada ku biiray kooxda Daa’ish ee Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalanta una bedelay magaciisii Jihaadiiste Abdel-Majed Abdel Bary.

 

Majaladan oo warbixinteeda sii wadata waxa ay tidhi,  “Bary waxa dadiisu tahay 23 jir, waxana uu sanadkii hore ee 2013-kii  Xaafada uu ka dhashay ee eheladiisa kaga tegay xaafadooda oo ku taala suuqa weyn ee (London Upmarket),balse sanadka dib waxa la arkey sawir uu bartiisa Twiterka soo dhigay isaga oo kor u haya bogos waxoogaa le’eg isla markaana xidhan dharkii uu xidhnaa  ninkii madaxa ka jaray Wariyaha reer Mareykanka ee James Foley arintaasi oo shaki weyn keentay in uu isaga yahay qofka madaxa ka jaray suxufigaasi ee kooxda ISIS ka tirsan.”

Warkan si rasmi ah umay xaqiijin sirdoonka Ingiriisku, balse waxa jira shaki  guud  oo ah in ninka gawraca sameeyey uu ahaa  Heesaagaas hore caanka uga ahaa dalka Britain, balse markii dambe u xuub siibtay dhinaca jihaadka.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed