“Ninka yidhaahdaaba La ilama tashan dee maxaa lagala tashan isaga ayaaba xilka la saaray oo la doortaye” Eng. Maxamed Xaaji Cilmi
Hargeysa:March,04,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Muj, Maxamed Xaaji Cilmi, ayaa ka Hadlay Xilka-qaadista wasiirkii isaga xilkaas ugu dambeeyey ee Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu diiday beddelaad madaxweynuhu ku sameeyey.
Eng. Maxamed Xaashi oo la Hadlay Wargeyska Saxansaxo, ayaa diidmada Wasiir Samaale iyo Dalabkiisa ah inaan cidi la tashan ku tilmaamay wax aan macquul ahayn oo aanu xaq u lahayn,
“Madaxweynuhu isaga ayaa cidda uu doonana magacaaba cidda uu doonana ka erya shaqada oo waa sharci uu leeyahay Madaxweynuhu, Markaa ima Eryi karaba lama odhan karo oo Ninka yidhaahdaaba wuu khaldan yahay, in la yidhaahdo ilama tashanna dee maxaa lagala tashan isaga ayaaba xilka la saaray oo la doortaye maxaa laga wada tashan, haddii ay isaga sidaas la noqotay in sidaa lagu aamuso oo lagu daayo ayey ahayd, wakhtigan Isku shaandhaynta la sameeyeyna wakhti haboon ma ahayn oo muddadiisiiba waxa ka hadhay dhawr bilood, anigu ninkii uu Samaale bedelay ayaan ahay oo waxaaba suurta gal ah in si kaleba loo qaatee, anigu waxaanqabaa in uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu magacaabo iyo inuu Eryaba”ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in madaxweynuhu dardargelintii dhinaca Doorashada uu kaga mashquulay isku shaandhayn, waxana uu soo jeediyey in la gudo galo arrimaha doorashooyinka.
SDN/QJ